Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in ay si nabadgelyo leh ugu soo dhammaatay Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland ee maanta ka qabsoomtay 30 degmo.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ahayd maalin taariikhiya oo soo martay dadka reer Puntland.

“Maanta waxay ahayd maalin weyn oo taariikhi ah oo bulshada reer Puntland soo martay, taasoo ahayd maalintii qabashada Doorashadooyinka Goleyaasha Deegaanka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Saakay 6-dii subaxnimo waxaa 398 goobood oo ku kala yaala 30 degmo iyo toddobo gobol oo Puntland ah looga dareeray doorasho qof iyo cod ah, illaa maanta muddo 12 saacadood ah waxaa socotay doorashadaas oo soo xirtamay 6-dii Maqribnimo si nabadgelyo ah.”

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay haatan ku mashquulsan yihiin tirinta codadkii ay dadweynuhu dhiibteen, isagoona bogaadiyay codbixiyeyaasha iyo ciidamadii ammaanka ee amniga sugayay.

Tirinta codadka ayaa si habsami leh uga socota dhammaanba soddonkii degmo ee ay maanta doorashadu ka qabsoomtay.

Doorashadan ayaa ahayd mid ay ku tartamayeen xubno ka kala sharaxnaa 7-da Urur Siyaasiyaadeed ee Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc