Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxtooyada Puntland

Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxtooyada Puntland

by Laacib

Musharaxiinta u tartameysa Jegada Madaxtinimada Puntland ayaa maanta jeediyay khudbadahooda la xiriira barnaamijyadooda siyaasadeed ee ku aaddan waxyaabaha ay qaban doonaan, haddii la doorto.

Doorashadan ayaa ah mid loogu tartamayo xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, 5-ta sano ee soo socota.

Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ayaa inta badan hadaljeedintooda ku saleeyay hagaajinta nidaamka dowlad wanaagga, adkeynta amniga, tayaynta garsoorka, la dagaalanka & wax ka qabashada musuq-maasuqa, ka hortagga xaalufinta dhirta iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Doorashadan oo Isniinta ka dhaceysa Magaalada Garoowe ayaa ah mid dadban, oo ay wax soo dooranayaan 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka (Golaha Wakiilada) Puntalnd.

Doorashada ayaa lagu wadaa in barqanimada berrito ay ka bilaabato Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Xubnaha u tartamaya xafiiska ugu sarreya ee Puntland ayaa waxaa laga xusi karaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo Axmed Ciise Cawad.

Musharaxiintan oo ah kuwo miisaan siyaasadeed leh ayaa mid kasta waxa uu dadaal ugu jiraa, sidii uu ku heli lahaa in ku filan codka Xildhibaanada, si uu u noqdo Madaxweynaha xigga ee Puntland.

Garoowe ayaa waxaa ka jira mashquul xoog leh, marka aad eegto loolanka adag ee ay musharaxiinta ugu jiraan codadka ay u baahan yihiin.

Musharaxiinta iyo xubnaha u ololeynaya ayaa Xildhibaanada qaarkood ku booqanaya goobaha ay ka degan yihiin magaalada, si ay ugu qanciyaan in ay codka siiyaan.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ololaha dib u doorashada ee Madaxweyne Deni uu ka xoogan yahay midka kale ee musharaxiinta.

Deni ayaa la aaminsan yahay in uu haysto Xildhibaano badan, qaar ka mid ahna la dejiyay xeendaab ay adag tahay in laga gudbo, inkastoo aysan musharaxiinta ka quusan codadka Xildhibaanadaasi, iyadoona ay saacad kasta wax is bedeli karaan.

Doorashadan ayaa lagu sheegay tii ugu adkeyd ee Puntland soo marta, 25-kii sano ee maamulkaasi uu jiray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc