Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Wararkii ugu dambeeyay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya duqayn xoogan oo xalay ka dhacday deegaanka Ceel Bashiir, oo 30km dhanka koonfureed ka xigta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Diyaaradaha saaxiibada caalamiga ayaa beegsaday bar kontorool oo maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii ay maqleen dhowr jug oo is xigxigtay.

Ceel Bashiir oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Buurhakaba iyo deegaanka Jameeco ayaa ka mid ah goobaha ay ku xoogan yihiin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi, balse warka laguma sheegin nooca uu hawlgalku ahaa.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya inaanu jirin hawlgal dhanka dhulka ah, marka laga soo taggo weerarka dhinaca cirka ee deegaankaasi ka dhacay.

Warka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay toban ka mida maleeshiyadaasi.

“Goobta hawlgalku ka dhacay waxa ay ahayd isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadaneysay lacago baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cunaqabateeyaan shacabka ku nool Gobolka Baay.” Ayaa lagu yiri warka.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga oo Mareykanku ugu horreyo ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay kordhiyay weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab, oo loo arko caqabadda ugu weyn ee maanta horgudbin amniga dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc