Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay duulaanka Israel ee Gaza iyo tirada dhimashada oo korortay

Wararkii ugu dambeeyay duulaanka Israel ee Gaza iyo tirada dhimashada oo korortay

by Laacib

Kumanaan qof oo ka mid ah dadka reer Gaza ayaa maalintii labaad ka faa’iideystay xabad joojin bani’aadantinimo oo muddo kooban soconeysay, iyagoona ka baxay waqooyiga Gaza, gaarayna dhanka koonfureed ee magaalada.

Dadkan oo watay calan cad ayaa iyagoo lugeynaya maray halka ay Ciidamada Israel kaga sugan yihiin goobta kala qaybisa labada daamood ee Gaza, iyagoo markaasi ka baxsanaya duqaymaha baahsan ee Israel.

Militariga Israel ayaa shacabka ugu yeeray in ay isaga baxaan waqooyiga magaalada, isla-markaana ay taggaan koonfurta Gaza.

Militariga Israel ayaa maanta muddo afar saac ah u qabtay dadka in ay uga baxaan dhinaca waqooyi ee Gaza, inkastoo mar dambe ay ku darayn saacad dheeri ah, taasoo ku ekeyd 15:00 galabnimo ee maanta.

Qaramada Midoobey ayaa Arbacadan sheegtay in 15,000 oo qof ay Talaadadii u suurtashay in ay ka baxaan waqooyiga Gaza, balse ma sheegin tirada maanta u gudubtay koonfurta magaalada.

Wariyeyaasha ayaase sheegaya in kumanaan qof ay maanta u tallaabeen jiidda koonfureed, xilli ay ruxayeen calamo cad, iyaga oo ka baqaya in la soo weeraro.

Wariyeyaasha ayaa sheegaya in dadku ay koox koox u socdeen, iyagoo markaasi rajeynaya in ay jiri karto wa xoogaa badbaado ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 10,569 qof, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah.

Tani ayaa ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 241 qof, sida ku cad tiradii ugu dambeysay ee shalay la shaaciyay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar kale Maamulka Israel ugu baaqday in ay joojiyaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysanayaan Gaza.

Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay xabad joojin degdeg ah, iyadoona ka digtay in uu burburo hannaanka caafimaadka ee magaalada.

Dhanka kale Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in tirada shaqaalaheeda la dilay ay hadda gaartay 92 qof, tan iyo markii ay colaadda bilaabatay.

Waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la dilay laba kale oo ka mid ah shaqaalaheeda.

“Tani waa tiradii ugu badneyd ee Shaqaalaha Gargaarka Qaramada Midoobey ee la dilo, taariikhda Qaramada Midoobey.” Ayay UNRWA ku sheegtay qoraal.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa Tel Aviv ku eedeeyay in ay Marinka Gaza u bedeshay meel aan ammaan ahayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc