Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad bani’aadantinimo ay ka jirto magaaladaasi, ka dib markii Webiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay magaalada.
Roobabka ka da’aya qaybo ka mida gobolkaasi ayaa sababay in biyo xoog leh ay ku soo rogmadaan webiga, isla-markaana uu webigu bilaabay in uu fatahaado ka gaysto magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in biyaha fatahaadaha ay kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa, tani oo baqdin ku hayso bulshada qaybteed oo halkaasi ku go’doonsan.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Buundooyinka Liiliiqato iyo Buundoweyn ay halis ugu jiraan inay go’aan, xowliga biyaha maraya awgood.
Fatahaadda ayaa sababtay in dadku ay ku barakacaan deegaanada ku dhow dhow magaalada, isla-markaana uu hakad ku yimid dhaqaaqii guud ee magaaladaasi, sida isu socodka dadka & gaadiidka, waxbarashada iyo ganacsiga.
Dadka reer Beledweyne oo ku barakacay dhulka taagagga ah ee ku yaala darafyada magaalada ayaa ka cabanaya xaalad nololeyd oo aad u liidato, iyagoona codsaday in gargaar la soo gaarsiiyo.
Daahir Caalin Caddow ayaa sheegay inay soo food-saartay cunto la’aan iyo wax hoy ah oo aysan haysan, isaga oo intaasi ku daray inay wajahayaan dhibaatadii ugu darneyd, muddo 40 sano ah.
Cabdi Axmed Tooxow ayaa isna shegay in qulqulka biyaha ay gaareen heer aanay arki jirin, sida uu yiri.
Masuuliyiinta Degmada Beledweyne ayaa Talaadadii sheegay inta la xaqiijiyay in sideed qof ay ku geeriyoodeen fatahaadda halkaasi ka jirta.
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka Fatahaadaha inay u kuurgalaan xaaladda qoysaska ku barakacay fatahaadda Beledweyne.
Dhibaatada daadadka iyo fatahaadaha ee ka dhashay isbedelka cimilada ee ay sababtay duufaanta El-nino ayaa laga cabsi qabaa inay kororto.