Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay fatahaadda Magaalada Beledweyne

Wararkii ugu dambeeyay fatahaadda Magaalada Beledweyne

by Laacib

Webiga Shabelle ayaa toddobaadkii saddexaad ku fatahaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoona dadkii deganaa magaaladaasi ay horaan isaga barakaceen.

Biyo guurto lagu sheegay oo ka soo rogmaday dhanka dalka Itoobiya ayaa sababay in webigu uu si baahsan ugu fataho labada daamood ee magaalada.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa mar sii horreysay tirada qoysaska ka barakacay magaaladaasi, waxaa uu ku sheegay 245,000 oo qoys, kuwaa oo sida uu sheegay daadsan duleedyada magaalada.

“Dad lagu qiyaasay laba boqol, afartan iyo shan kun oo qoys ayaa magaalada ka baxday, oo daafaha magaalada joogto oo labada geddiba u baxday.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay kaalmo bani’aadanimo soo gaarsiiyaan dadka ka barakacay magaalada.

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa Jimcihii sheegay in 50 gaari oo sida raashiin ay u direen Magaalada Beledweyne.

“Ilaahay ha badbaadiyo shacabka reer Beledweyne, dhibaatadana haka saaro. Mar kasta wixii masiibo ah waa laga duceystaa.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Baaxadda dhibaatada ka jirto Beledweyne qof kasta waa ka dheregsan yahay, magaalada dhan oo miriq beeshay oo biyihii ay wada gaareen boqolkiiba sagaashan iyo shan (95%) amaba ka badan. Dowladda mar kasta wixii tabarteeda ah waa la garab taagan tahay.”

Gaadiidka xamuulka ee gargaarka sida ayay dowladdu ka dirtay Caasimadda Muqdisho, waana gurmadkii ugu horreyay ee ay dowladdu u dirto qoysaska ka barakacay Beledweyne.

Webiga Shabelle ee sida weyn ugu fatahaya magaaladaasi ayaa mara bartamaha Beledweyne, iyadoona uu magaalada u kala qaybiyo bari iyo galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc