Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ka socdo Gobolka Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ka socdo Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa sii wada gulufka ballaaran, ee ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sifeynayaan deegaanada hoostagga Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cowsweyne oo hoostagga Degmada Galhareeri ayaa ka wada hawlgal ay ku xaqiijinayaan amniga deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo qaybtood ku sugan afaafka hore ee Cowsweyne ay qaybta kale hawlgal guri guri ah ka sameeyeen deegaankaasi. Ciidamada ayaa qarxiyay tiro miinooyin ah oo lagu aasay deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay ku daadsan yihiin waddada xiriirisa Degmada Galcad iyo Cowsweyne, iyagoona inta u dhaxeyso ka wada hawlgal ay maleeshiyada Shabaabka kaga sifeynayaan dhulka miyiga iyo hawdka. Qorshaha degsan ayaana ah in laga hortaggo inaanay maleeshiyadaasi dib ugu soo laaban waddada, si aysan uga gaysan weeraro jidgal ah iyo go’doomin.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ku howlan istiraatiijiyadda dagaal ee kooxaha argagixisada looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayay tahay inay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanada, dhulka miyga iyo kaymaha ee loo arko in maleeshiyadu ay dib iska soo abaabuli karto.

Ciidamada ayaa waxay Ceelbuur kaga sii siqayaan jihooyinka waqooyi, bari iyo koonfur.

Wararku waxay sheegayeen in ciidamadii ka ruqaansaday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ay haatan ku sugan yihiin aagga deegaanka Dac, ka dib markii Isniintii ay la wareegeen deegaanka Wabxo.

Ciidamada ayaa la soo sheegaya in ay ku sugan yihiin min Ceelgorof, Wabxo illaa aagga Dac, isla-markaana ay ka wadaan hawlgal ay dhulka fogfog iyo hawdka kaga baadi-goobayaan xubnaha Shabaabka.

Sidoo kale ciidamada ka ruqaansaday Magaalada Guriceel oo jihada koonfureed kaga sii siqaya Ceelbuur ayaa ku sugan deegaanka Burujeed, halkaasna ay ka wadaan hawlgal sifeyn ah.

Ciidamadii kale ee ka qalab qaatay Magaalada Dhuusamareeb ee jiidda bari kaga wajahnaa magaaladaasi ayaa ku sugan afaafka hore ee deegaanka Ceelmeygaag. Ciidamadan oo Talaadadii la wareegay gacan ku haynta Ceelmeygaag ayaa Arbacadii dib uga baxay deegaankaasi, iyagoo waddo kale oo wareeg ah kaga dhaqaaqay dhanka Ceelbuur, waxaana jira ciidamo kale oo weli ku sugan aagga Ceelmeygaag. Qorshaha ayaa ah in labada ciidan ay go’doomiyaan dagaalyahano ka tirsan kuwa Al Shabaab oo dhulka jiqda ku jira.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa damacsan in ciidamadu ay mintidiinta ka fogeeyaan magaalooyinka iyo deegaanada la xoreynayo, si looga gaashaanto inaanay mustaqbalka weeraro ka gaysan goobaha laga saaray, waana qorshaha curdunka ah ee haddii uu guuleysto lagu wajihi doono dhulka kale ee maleeshiyadu ka maamusho Hirsabelle iyo Gobolada Koonfureed.

Taliska ayuu qorshihiisu yahay in ciidamada ay bilowgiiba wiiqaan Shabaabka waddooyinka ku jira, taas oo loo arko mid meesha ka saari karta in dhawaanahaan ku soo laabtaan waddooyinka magaalooyinka iyo deegaanada lagu wado in la qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhabarka ka riixaya istiraatiijiyadda ay ku hawlgalayaan ciidamada, oo laga leeyahay in xididada loogu siibo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc