Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ku wajahan Caad

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee ku wajahan Caad

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa ku sii siqaya deegaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamadan oo dhawaan ka qalab qaatay deegaanka Cammaara ayaa si taxadar leh ugu socda waddada xiriirisa Cammaara iyo Caad.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay difaac kaga jiraan tuulooyin hoostagga Caad, qaarkoodna ay ku jiraan dhulka hawdka ee halkaasi ku yaala, iyagoona uu yoolkoodu yahay in ay hakiyaan gulufka ku wajahan Caad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha daagalka ee saaxiibada caalamiga ay dhanka cirka ka garaaceen fariisimaha ay Shabaabka ku leeyihiin tuulooyinka Yacgoos, jeexjeexa iyo Dhagaxdheer.

Waxa hawlgalka gaabiska ka dhigay ayaa lagu sheegay miinooyinka faraha badan ay Shabaabku ku aaseen waddada iyo in maleeshiyadaasi oo si koox koox ah u abaabulan ay masaafo fog rasaas kaga soo ridayaan ciidamada.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in si nabdoon ay meelaha qaarkood uga saaraan qaraxyada lagu sii diyaariyay waddada ay ku safrayaan, iyadoo illaa iyo hadda aan la soo sheegin waxyeelo ciidamada ka soo gaartay miino baarista ay ka wadaan waddadaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa diiradda saaraya, sidii ay ciidamadu ula wareegi lahaayeen deegaankaasi Caad, oo loo arko mid muhiim u ah joogitaanka Al Shabaab ee gobolka.

Saraakiisha Militariga ayaa sheegaya in qabsashada Caad ay tusbax go’ay oo kale ka dhigi doonto maleeshiyada ka dagaalameysa gobolkaasi.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ku foogan yihiin, sidii ay kooxaha argagixisada uga kicin lahaayeen Caad.

Shabaabka oo maalmo ka hor banneeyay deegaano ay kaga sugnaayeen Koonfurta Gobolka Mudug ayaa la fahamsan yahay in cududooda ay hadda gobolkaasi ka joogaan Caad, Dumaaye iyo Dabagalo.

Marka laga soo taggo ciidamada kulaalaya Caad ayaa waxaa jira ciidamo kale oo ku sii socda Dabagalo iyo Dumaaye, oo dhaca dhul hawd ah. Ciidamadan ayaa hol sii horreysay ka ruqaansaday deegaanka Xiinlabi, waana kuwii ka soo dhaqaaqay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ee toddobaadkii hore dagaalka culus kula wareegay deegaanka Qodqod.

Inkastoo Shabaabku ay isku dayayaan in ay gulufkaasi fashiliyaan, haddana bar dhammaadkooda ayaa u muuqdo kuwo gobolka uga bixi doona jihada Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Isniintii shalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah Shabaabka Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc