Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa sii wada is bedelada ay ka sameynayaan furimaha dagaalka ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo culeyska ku kordhinaya maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta si buuxdo ula wareegay deegaanka Cammaara, ka gadaal markii ay maleeshiyadaasi banneysay.

Ciidamada is garabsanaya ee la wareegay gacan ku haynta Cammaara ayaa ah kuwii Sabtidii dagaalka xoogan kula wareegay deegaanka Qodqod.

Ciidamada ayaa maalmo yar gudahood kula wareegay deegaanada Laas-gacamey, Xiinlabi, Sargo, Qodqod, Bacaadweyne, Shabellow, Qaycad iyo Cammaara.

Qabsashada ciidamada ee Cammaara ayaa ka dhigan in hadda inta badan gobolkaasi uu xor ka yahay mintidiinta Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka koowaad ciidamada uu yahay, sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta deegaanka Caad. Caad ayaa lagu tilmaamay deegaanka ugu muhiimsan ee ay haatan Shabaabku ka joogaan gobolkaasi.

Qaybo ka mida ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, oo dhaca dhul hawd ah.

Waxa kaloo jira ciidan horaan ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, oo la sheegayo in ay ku sii socdaan deegaanada Jowle, Ceel Cabdi iyo Dhalwo.

General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, oo ku sugan furimaha gobolkaasi ayaa sheegay in hawlgalku uu u sii socon doono, sidii loogu talagalay.

Jananka ayaa ku goodiyay inaanay ciidamadiisu dib uga laaban doonin goobta dagaalka, illaa iyo inta ay ka soo taabanayaan darbiga ugu dambeeya.

Hawlgalkan ayaa waxaa ciidamada dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Gulufka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa muujinaya in Shabaabku ay wajahayaan xilligoodii ugu adkaa, muddadii ay ka hawlgalayeen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc