Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Magaalada Ceelbuur

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Magaalada Ceelbuur

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhaqdhaqaaq xoog leh ka wada Gobolka Galgaduud, iyadoona uu yoolku yahay in ay la wareegaan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee bariga gobolkaasi.

Ciidamada ayaa diyaargarow iyo abaabul ciidan ka wada Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Galcad, inkastoo uu abaabulka xooggiisu ka socdo dhanka Galcad.

Sahanka hore ee ciidamada ayaa ku sugan deegaanka Towfiiq oo hoostagga Degmada Galcad, halka raacoona dambena lagu diyaarinayo Galcad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in horjoogeyaasha maleeshiyada Al Shabaab ay ka qalab qaadanayaan Magaalada Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in mintidiinta Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka wadaan duleedyada magaaladaasi, oo ay dhawaan ka sameysteen dhufeysyo waaweyn.

Ma cadda in Shabaabku ku dagaalami doonaan Ceelbuur iyo in kale, waana xilli ay Ceelbuur ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolka. Ceelbuur ayaa sidoo kale ah magaalada ugu weyn ee ay haatan Shabaabku ka joogaan Gobolada Dhexe.

Dhawaan, Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay si khasab ah ku soo dagaal gelinayaan beelaha deegaanka, taasoo uu sheegay in ay ka feejigan yihiin.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa wejigii hore ee hawlgalka kula wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer, halka wejiga labaadna uu qorshuhu yahay in ay ku xoreeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri.

Shabaabka ayaa horey u lumiyay xaruntoodii ugu weyneyd Gobolka Mudug ee Xarardheere, ka gadaal markii Xoogaga Kumaandooska Danab & Gorgor ay bilaa dagaal kula wareegeen 16-kii bishii January.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu qasdigeedu yahay, in inta ka harsan sanadkan lagu soo geba-gabeeyo Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc