Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Shabaabka Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Shabaabka Galmudug

by Laacib

Abaabul iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa ka socda Gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka lagu wado in ay iska kaashadaan wejiga labaad ee hawlgalka, oo la rabo in lagu kab gediyo dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

Ciidamada ayaa maalmaha soo socdo la filayaa in ay guluf dhowr jiho leh ku qaadaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, oo ah dhulka ay weli maleeshiyadaasi ka maamulaan deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in hawlgalka uu bilaaban doono, marka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo geba-gabeeyo kulamada uu ka wado Magaalada Dhuusamareeb.

“Maalmaha nagu soo aaddan ayuu dagaalku bilaabanaya, ka dib marka uu dhammaado kulamada uu Madaxweynaha la leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee beelaha iyo Waxgaradka Dowlad Goboleedka Galmudug oo la rabo in abaabul loo sameeyo, si ay uga qayb qaataan, kama marna Culima’udiinka oo ayagana lala kulmayo.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Isaga oo la hadlayay BBC ayaa waxa uu sheegay in kulamada uu Madaxweynuhu wado ay soo dhammaan doonaan maanta illaa berri, ka dibna uu si rasmi ah u bilaaban doono hawlgalka lagu wiiqayo maleeshiyadaasi.

“Wixii intaa ka dambeeyo hawlgalka toos ayuu u bilaaban doonnaa, asagoo illaa shan jiho guluf aad u xoogan looga qaadi doono Khawaarijta Al Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

“Imaanshaha Madaxweynaha waxay dhiig cusub ku shubeysaa hawlgaladii baaxadda lahaa ee ka socday guud ahaan Somaliya, gaar ahaan Galmudug ee lagu xoreeyay degmooyinka badan, sida Degmooyinka Ceeldheer, Xarardheere, Galcad iyo deegaano kaloo aad u badan. Ka Galmudug ahaan illaa soddon goobood oo ay Al Shabaab uga sugnaayeen Galmudug ayaa maanta ku jira gacanta Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya.” Ayuu sii raaciyay Madaxweyne Kuxigeenka.

Waxa hadalkiisa ku xoojiyay “Imaanshaha Madaxweynaha waxay nooga dhigan tahay fursad weyn, waxay nooga dhigan tahay dhiig cusub oo lagu siyaadiyay hawlgalada, waxay kor u qaadeysaa mooralka ciidamada, maadaama barta hoggaaminta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta maanta uu fadhiyo Madaxweynaha, Saraakiishii uu u wacayo, Madaxdii Galmudug oo shirar uu kula jiro iyo bulshadii qaybaheeda kala duwan uu dhiirigelinayo. Wax weyn ayay Galmudug uga dhigan tahay.”

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay in ciidamada ay u qalab qaadanayaan goobo ay ka mid yihiin Ceelbuur, Galhareeri, Caad, Cammaara, Bacaadweyne iyo Shabellow.

“Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Galmudug oo iskaashanaya waxay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur iyo Galhareeri oo ku yaala Gobolka Galgaduud, sidaasi si la mid ah deegaanka Bacaadweyne, Shabellow, Caad iyo Cammaara oo dhankaa Gobolka Mudug ah. Labadaasi qaybood ayay u badan yihiin meelaha la rabo in hawlgalka laga sameeyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Waxa uu xusay inaanay Shabaabku u babacdhigi karin gulufkan, marka aad fiiriso cududda ciidamada faraha badan ee ku wajahan goobahaasi.

“Waxaana filaynaa marka cududda ciidamada hawlgalkaasi ka qayb qaadanaya aan fiirino inaysan kooxda Al Shabaab u babacdhigi karin ciidamada iskaashanaya.” Ayuu yiri Cali Daahir.

Hawlgalka ayaa la filayaa in uu ku fido deegaanada Hirshabelle, iyadoona gulufkan lagu ciribtirayo Shabaabka Gobolada Dhexe uu ka cuslaan doono midkii hore.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc