Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay hawgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin

Wararkii ugu dambeeyay hawgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin

by Laacib

Ciidanka Militariga Israel ayaa maalintii labaad hawlgal ballaaran ka wada xerada qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Militariga Israel oo xiray waddooyinka soo gala dhismayaasha xerada qaxootiga ayaa ka wada hawlgalkii ugu weynaa ee ay Israel ka sameyso dhulka la haysto, muddo sanado ah.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka lagu beegsanayo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta, uuna sii socon doono, illaa iyo inta laga gaarayo sida uu yiri ujeedooyinka laga leeyahay.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen 120 nin oo lala xiriirinayo waxa uu ku sheegay kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa hawlgalka ku sheegay mid ka dhan ah waxa uu ugu yeeray argagixisada, isagoona ku goodiyay in hawlgalku uu sii socon doono, illaa iyo inta loo baahan yahay.

Madaxda Falastiin ayaa weerarka ku tilmaamay duulaan kale oo Israel ku soo qaadday dhulka dadka Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 11 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka ka sii socda Jenin, halka tobanaan kalena lagu dhaawacay.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in 500 oo qoys (3,000 oo qof) ay ka barakaceen xerada, waxaana jira walaac caalami ah oo laga muujinayo hawlgalka Israeliyiinta ee dhul iyo cirba leh.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin baaxadda hawlgalka ay Ciidanka Difaaca Israel ka wadaan xerada qaxootiga ee Jenin.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kooxaha caafimaadka laga hor istaagay inay galaan xeradaasi, si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan dadka ku dhaawacmay weerarka Israel.

Kooxaha wax iska caabinta ay Falastiiniyiinta ayaa caawa sheegay in la dilay askari ka tirsan Militariga Israel, ka dib markii qarax lagu la eegtay Magaalada Jenin.

Dhanka kale Jaamacadda Carabta oo Talaadadan shir degdeg ah ka yeelatay xaaladda ka soo korortay dhulka Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareysay gardarada Israel.

Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo Carbeed, laguna garab istaagayo Falastiiniyiinta, iyadoo loo marayo Guddiga Wasiirada Arrimaha Dibadda ee ururka, si loo bixiyo ilaalinta caalamiga ah ee dadka Falastiiniyiinta.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka dhex xoogan labada dhinac.

“Hawlgalkan ugu dambeeyay ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo weerarka baabuur ee maanta ka dhacay Tel Aviv waxay si walaac leh u muujinayaan dhammaan dhacdooyinka caanka ah, ee ah in rabshaduhu ay abuuraan rabshado kale.” Ayuu yiri Volker Türk.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay “Dilka, naafaynta iyo burburinta hantida waa in la joojiyo.”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa lagu wadaa in Jimcaha ay kulan ka yeeshaan xiisadda ka oogan Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc