Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada Ceeldheer iyo Masagawaa (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada Ceeldheer iyo Masagawaa (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa hawlgalo amni xaqiijin ah ka wada Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa sidoo kale deegaanka Masagawaa ee gobolkaasi ka wada hawlgalo ay kaga sifeynayaan waxa lagu sheegay haraadiga maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa Arbacadii magaalooyinkaasi kala wareegay maleeshiyada Shabaabka, oo muddooyinkii ugu dambeysay gacanta ku hayay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii August soo banneeyay saldhigyadii ay ku lahaayeen qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, sida Ceeldheer, Masagawaa iyo Budbud, ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay 26-kii bishaasi ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi.

Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in ciidanku ay Ceeldheer iyo Masagawaa ka wadaan hawlgalo ay ku xaqiijinayaan nabadgelyada.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa isna sheegay in bariga gobolku uu ka socdo hawlgalo lagaga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Ciidamada is garabsanaya ayaa Gobolada Galgaduud iyo Mudug ka wada hawlgalo ay ku xoreynayaan deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc