Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ballaaran ee ka socdo Gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ballaaran ee ka socdo Gobolka Mudug

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ayaa hawlgal ballaaran ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah hawlgalka kale ee ka socdo Bariga Gobolka Galgaduud.

Hawlgalka ayaa ah mid ay ciidamadu kula wareegayaan deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xiinlabi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaano ay ka mid yihiin Caad iyo Cammaara, oo Shabaabku ay ku xoogan yihiin.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka, oo ay kaabayaan Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmada Wisil ayaa la sheegay inay kaabiga ku hayaan deegaanka Bacaadweyne, halkaasna la filayo in ay uga sii gudbaan dhanka deegaanka Shabellow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidan kale oo ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ay weerar ku yihiin deegaanada Jowle, Dhalwo iyo Ceel Cabdi.

Garab kale oo ka mid ah ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamada lugta ay ku adkaan doonto in si dhakhsi ah ay ula wareegaan Dumaaye iyo Dabagalo, haddii ay deegaanadaasi ku yaallaan dhul hawd ah.

Saraakiisha Militariga ayaa sheegay in ciidamada ay dhanka cirka ka taageeri doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, taas oo sahli karta in ciidamadu ay galaan deegaanadaasi.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa mar kale shacabka ugu baaqay inay isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Shabaabka.

Ciidamada is garab socdo ayaa laga dhawraya in maalmo kooban ku soo afjaraan Shabaabka Gobolka Mudug.

Shabaabka Galmudug ayaa wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib dhowr iyo toban sano oo ay ka hawlgalayeen Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc