Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Ciidamada Israel ee koonfurta Gaza

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka Ciidamada Israel ee koonfurta Gaza

by Laacib

Ciidamada Militariga Israel ayaa bilaabay in ay isku fidiyaan koonfurta Marinka Gaza, si ay Xoogaga Xamaas uga saaraan dhanka koonfureed ee magaalada.

Ciidamada Israel oo wata gawaarida gaashaaman oo taangiyaduna ay qayb ka yihiin ayaa dhaqdhaqaaq militari ka wada bariga iyo waqooyiga Khan Yunis oo ku taala koonfurta Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada efentariga ee Israel ay u muuqdaan kuwo doonaya in ay isku ballaariyaan koonfurta Gaza.

Idaacadda Codka Ciidamaada Israel ayaa ku warantay in Tel Aviv ay bilowday hawlgal dhulka ah oo lagu xaqiijinayo amniga Khan Yunis iyo guud ahaanba koonfurta Gaza.

Taliyaha Militariga Israel, General Herzi Halevi ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda si isku mid ah uga hawlgelayaan labada daamood ee Gaza.

“Hawlgalka koonfurta Gaza ma noqon doono mid ka hooseeya hawlgalka waqooyiga Gaza, natiijaduna waxay noqon doontaa mid isku mid ah.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa yiri “Talisyada Xamaas waxay meel kasta kula kulmi doonaan Ciidanka Difaaca Israel.”

Israel ayaa Jimcihii dib u bilowday duqaymaha iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza, ka dib toddobaad ay xabad joojin ka jirtay halkaasi.

Israel ayaa markan hawlgalkeeda xoogga ku saareysa koonfurta Gaza, si ka duwan maalmihii hore ee dagaalka oo ay bartilmaameedsanayeen dhanka waqooyi ee magaalada.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in hawlgalka laga sameynayo koonfurta Gaza uu ka cuslaan doono midkii hore ee laga sameynayay waqooyiga Gaza.

Shacabka degan Khan Yunis ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay duqaymihii ugu xooganaa ka gaysanayaan koonfurta Gaza, tan iyo markii Israel ay bilowday duulaankeeda Gaza, muddo haatan laga joogo ku dhawaad laba bilood.

Taliska Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah faray in ay banneeyaan gudaha iyo hareeraha Khan Yunis, iyaga oo uga digay dadka degan ugu yaraan shan aag iyo xaafado kale inay ka baxaan, haddii kalena ay la kulmi doonaan cawaaqib daran.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in ciidamadiisu ay gaari doonaan goob kasta oo ka tirsan koonfurta Gaza.

Xaalad bani’aadantinimo oo laga deyrinayo ayaa laga soo sheegaya koonfurta Gaza, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeysay ay ku barakaceen dadkii ay Ciidamada Israel ka barakaciyeen waqooyiga Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in in ka badan 15,500 oo qof lagu dilay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

“Toddobaatan boqolkiiba (70%) shacabka Falastiiniyiinta ee la dilay waa carruur iyo haween.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray “41,316 kalena waa la dhaawacay.”

Dhacdooyinka naxdinta leh ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Gaza ayaa waxaan jirin cid kula xisaabtameysa gabood-faladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc