Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka dhinaca dhulka ee Israel qorsheynayso in Gaza laga sameeyo

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka dhinaca dhulka ee Israel qorsheynayso in Gaza laga sameeyo

by Laacib

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in mar dhow ay Militariga Israel gudaha u geli doonaan Marinka Gaza, isagoo dhanka kalena sheegay in dagaalku uu noqon karo mid sii daba dheeraada.

Wasiirka ayaa sheegay in labadii toddobaad ee ugu dambeysay uu isagu ka masuul ahaa amniga Israel, sababta loogu doortayna ay tahay, sidii Xoogaga Xamaas looga ciribtiri lahaa Gaza.

Wasiirka oo gelinkii dambe ee Khamiistii xuduudda Gaza ku booqanayay ciidamada faraha badan ee la soo dhoobay ayaa u sheegay in mar dhow ay ka war keeni doonaan gudaha Gaza.

“Hawlgalka waxa uu qaadan karaa toddobaad, waxa uu qaadan karaa bil ama laba bilood, illaa aan ka takhalusno.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa wacad ku maray inaanay wax naxariis ahi u samayn doonin Xamaas iyo taageereyaashooda, sida uu yiri.

Waxa uu ciidamada u sheegay inaanay ku keli ahayn hawlgalkan dhinaca dhulka ahi ee ay ka fulinayaan Gaza, ayna garab taagan yihiin shacabka Israel oo idil.

“Keligiin kuma tihiin hawlgalka, shacabka Israel oo dhan ayaa idiin garab taagan, waana idiinku kalsoonahay, waana idiinku xisaabtamaynaa.” Ayuu yiri Yoav Gallant, Wasiirka Gaashaandhigga Israel.

Wasiirka ayaa yiri “Waa inaad diyaar ahaataan, si fiicana aad isku abaabushaan, waxaad sugtaanba waa amarkayga, amarkuna wuu iman doonnaa.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaad hadda Gaza ka aragtaan meel fog, mar dhowna waxaad ka arki doontaan gudaha, waana idiin ballanqaadaya taas.”

Dhanka kale Wasiir Gallant oo Jimcahan la kulmay Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Israel ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee loo gelayo Gaza ay tahay in la baabi’iyo Xoogaga Xamaas iyo in la dhiso nidaam cusub oo ammaan ah.

“Wejiga labaad ee hawlgalku wuxuu noqon doonnaa mid ay ciidamada ku burburinayaan goobaha ay iska caabinta ka sameynayaan Xamaas.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxa kaloo uu yiri “Tallaabada saddexaad waxay noqon doontaa in Marinka Gaza laga dhiso nidaam cusub oo amni, taas oo meesha ka saareysa walaacii amni ee Israel. Abuurista nidaamka cusub ee amniga waa mid lagu xaqiijinayo amniga muwaadiniinta Israel iyo aagagga ku hareereysan Marinka Gaza.”

Gallant ayaa afka ku ballaariyay in ay ku jiraan dagaal, isla-markaana aysan haysan waddo kale, aan ka ahayn inay soo afjaraan Xamaas.

“Waxaan ku jirnaa dagaal, doorasho kale ma lihin. 7-dii October waa maalintii ay bilaabatay howsha tirtiridda Xamaas.” Ayuu yiri Gallant.

Gallant ma sheegin haddii ay si toos ah ula wareegayaan Gaza oo dhan iyo haddii kaleba, balse hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa Tel Aviv ku eedeeyay in ay waddo qorshe ay Gaza uga mid dhigeyso dhulka Israel.

Ka dib duulaankii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto, Israel ayaa duqaymo baahsan ka gaysaneysa xaafadaha Gaza, taas oo galaafatay nolosha dad fara-badan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in duqaymaha socda ay ku dhinteen 4,137 qof, oo ay ku jiraan 1,524 carruur ah iyo 1,000 haween ah. Wasaaradda ayaa tirada dadka dhaawacmay ku sheegtay 13,300 oo qof, halka 1,000 qof oo kalena la la’yahay.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza, haddii aan si degdeg ahi wax looga qabana ay isu bedeli doonto masiibo weyn oo taariikhda xusi doonto muddo fog.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc