Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa maanta hawlgal ka wada dhul beereedka Ciid Ciidka ama Jimbilow oo ka tirsan deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay bilaabeen wejigii ugu dambeeyay ee hawlgalka lagu soo afjarayo maleeshiyada Al Shabaab ee ku jira godadka ay kol sii horreysay ka qoteen beeraha halkaasi ku yaala, ka dib markii Axaddii ay gaareen ciidamo gurmad ahaa.

Maleeshiyada oo ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabelle ayaa dhanka bari ee jiinka webiga u timid, sidii ay gabaad uga sameysan lahayd deegaanka Cali Fooldheere, hase yeeshee ciidamada oo bartimihii bishii September dagaal kala hortegay ayaa la sheegay inay ku khasabtay in ay qaarka hoose la galaan godadkii ay ka sii diyaarsadeen beeraha Ciid Ciidka.

Ciidamada oo markii horeba ku hareereysnaa godadkaasi ayaa hadda wada, sidii ay u soo afjari lahaayeen mintidiinta Al Shabaab, si ay meesha uga saaraan khatarta loo arko in joogistoodu ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa Axaddii shalay gaaray deegaankaasi, isaga oo ka mid ahaa Saraakiil Militariga ka tirsan oo hoggaamineysay gurmad ciidan oo goobo kala duwan ka soo kala baxay.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu la wareegay hoggaaminta hawlgalka la doonayo in halkaasi looga sifeeyo mintidiinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay Isniintan u muuqdaan kuwo foodda sii gelinaya goobaha ay ku yaallaan godadkaasi, walow ay Shabaabku iska caabin xoogan sameynayaan.

Godadka ay ka dagaalamayaan Shabaabka waa kuwo ay ka hoos qoteen geedaha la harsado ee ku dhex yaala beerahaasi, oo ay darafyada kaga aaseen miinooyin.

Shabaabka ayaa isku dayaya, sidii ay halkaasi u soo joogi lahaayeen, bacdamaa uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, ayna ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii kooxaha argagixisada looga kicin lahaa aagagga ay ka dagaalamayaan.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa xalay fiidkii gaaray deegaanka Biyacadde ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa kormeer ku sameynaya fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha ayaa la sheegaya in uu ku wajahan yahay deegaanka Cali Fooldheere, oo uu uga sii gudbi doono deegaanka Ceelbaraf, oo hoostagga Degmada Mahadaay. Qorshaha ayaa ah in ciidamadu ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka hawdka iyo midda kale ee tagta webiga.

Ceelbaraf oo qiyaastii 20km dhinaca qorax u dhac kaga beegan webiga ayaa la damacsan yahay in jihadeeda galbeed laga jaro marinka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan inay isaga kala gooshaan Gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaanada Galmudug.

Qorshahan ayaa qayb ka ah guluf ballaaran oo toddobaadka soo socda la filayo in ciidamadu ay ka bilaabaan Gobolka Galgaduud, waana istiraatiijiyadda dagaal ay ciidamadu dib ugu laabanayaan goobihii ay soo banneeyeen daba-yaaqadii bishii August.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc