Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa hawlgal ballaaran ka wada Gobolka Galgaduud, kaas oo bilow u noqon doona qorshaha militari ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga suuliyo Gobolada Dhexe.

Ciidamada ayaa u qalab qaatay, sidii ay maleeshiyadaasi kaga saari lahaayeen Bariga Gobolka Galgaduud, oo maleeshiyada ay haatan xoogoodu ka joogaan gobolkaasi.

Ciidamada oo jihooyin kala duwan kaga dhaqaaqay Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanada Jaaw, Bidda Ciise iyo Wabxo.

Ciidan xoog leh oo ka dhaqaaqay Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya in galabta ay la wareegeen deegaanka Galqoryaale. Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Labidule, Sinadhaqo, Bulacle iyo Ceel La helay, waana ciidanka la doonayo in jiidda bari ka galaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa isku fidinaya oo isku ballaarinaya tuulooyinka iyo dhulka miyiga, iyagoo aan geli doonin magaalooyinka iyo deegaanada, illaa iyo inta ay Shabaabka ka sifeynayaan rug kasta oo ay kaga sugan yihiin dhulka fogfog ee miyiga iyo hawdka, si looga suuliyo dhammaanba goobaha ay gabbaadka ka dhigan karaan.

Ciidamada ayaa waxaa la socda dad deegaanka ah oo dhulka kala garanaya, taas oo khasab ka dhigeysa in xubnaha Shabaabka loogu taggo godkooda.

Waddooyinka iyo jihooyinka ay ciidamada ku socdaan ayaa waxaa mararka qaarkood laga maqlaya qaraxyo, waana miinooyin ay Shabaabku waddada ku aaseen oo ciidamadu ay qarxinayaan.

Hawlgalkan ayaa ka dhib badan kuwii hore ee ay ciidamadu sida fudud kula wareegayeen magaalooyinka, marka aad eegto amarka ay u haystaan inay iska ilaabaan degmooyinka iyo deegaanada istiraatiijiga ah, illaa iyo inta ay maleeshiyada Al Shabaab ka dabar jarayaan dhulka lama deggaanka iyo hawdka, kana saarayaan bar kasta oo mustaqbalka dhow ay iska soo abaabuli karaan, si aanay mustaqbalka fog khatar amni ugu noqon magaalooyinka iyo deegaanada la xoreynayo.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in ciidamada goobaha kala duwan kaga socda Magaalada Ceelbuur uu bar kulankoodu yahay magaaladaasi.

“Hawlgalku si guud waa bilowday, shaqaduna waa socotaa, haddii Alle idmo dhammaantood bar kulankoodu waa Ceelbuur inay halmar isugu yimaadaan, oo si ballaaran la isugu xiro Dhuusamareeb, Wabxo illaa Ceelbuur, lagana wada sifeeyo Shabaab ayuu qorshuhu yahay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay isaga baxayaan goob kasta oo ciidamadu gaaraan, isla-markaana aanay lahayn cudud ay kaga hortaggaan.

Waxa uu sheegay in hubka ugu weyn ay Shabaabku ku dagaalamayaan uu yahay miinooyinka ay ku aasayaan waddooyinka, taasna ay ciidamada ka feejigan yihiin.

“Qorshahoodu maaha inay ciidamada wajahaan iyo inay la dagaalamaan keliya waa inay miinooyin u dhigaan ciidamada, oo miinadaas inay ciidanka ku dhibaateeyaan mooyee inay si toos ah uga horyimaadaan waa adag tahay.” Ayuu yiri Wasiir Gaboobe.

Wasiir Gaboobe ayaa tilmaamay in miinooyinka ay yihiin caqabadda ugu weyn ee dib u dhaca ku keenaya, dibna u dhigaya hawlgalka.

“Waxyaabaha hawlgalka dib u dhigaya oo waqtiga dheereynaya waxaa ka mid ah miinooyinkaas oo laga taxadarayo ciidamadu ay iska wareejinayaan, miino baarisyadooda inta howsha la geliyo, ka dibna ciidanka la soo gelinayo. Marka si miyir qabto oo taxadar leh ayaa hawlgalku u socdaa dhinac kasta. Nimankan difaacooda koowaad ay isku haleynayaan ayaa wuxuu yahay miinooyinkaas, ciidankuna waa ka feejigan yahay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in ay garowsan yihiin inaanay baajin karin gulufka ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri, balse ay doonayaan in ay maalmo dib u dhigaan dagaalka looga kicinayo bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc