Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay heshiiska maxaabiis is weydaarsiga ee Xamaas iyo Israel

Wararkii ugu dambeeyay heshiiska maxaabiis is weydaarsiga ee Xamaas iyo Israel

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa caawa sheegay in ay dib u dhigeen sii deynta wareegga labaad ee maxaabiista Israeliyiinta, ka dib markii Maamulka Israel ay ku eedeeyeen in uu jebiyay heshiiskii xabad joojinta ee Gaza.

Xamaas ayaa lagu waday in ay sii deyso 13 ka mid ah la haysteyaasha Israel, si Israel ay u sii deyso 39 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyadeeda.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in Israel aysan si sax ah u fulineynin qodobadii lagu heshiiyay.

War ka soo baxay Al-Qassam ayaa lagu sheegay in diyaaradaha drones-ka ee Israel lagu arkayo koonfurta Gaza, sidoo kalena ay Israel is hortaagtay 97 gaari oo raashiin u siday waqooyiga Gaza, taasina aysan mid meelmar ah ka dhigeynin waxyaabihii lagu heshiiyay.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay mararka qaarkood rasaas ku furayaan dadka isugu kala gudbaya labada daamood ee Gaza. Eedeymahan oo Israel ay iska fogeysay.

Warka Xamaas ayaa walaac xoog leh ku dhaliyay qoysaska iyo ehelada ee la haysteyaasha, oo naawilayay in si marxabayn leh ku soo dhaweeyaan xubnaha qoyskooda.

Dhanka kale dadaalo ay sameeyeen Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa lagu guuleystay in la sii wado xabad joojintii 4-ta maalmood ee Gaza, iyadoona la sii wadayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in Xamaas ay hadda soo saartay liiska magacyada ee maxaabiista la fillayo in Israel ay sii deyso goor dambe oo caawa ah.

“Maxaabiista Israel ee lagu wado in laga sii daayo Gaza, oo qayb ka ah heshiiska xabad joojinta, waxaa ka mid ah sideed carruur ah, shan dumar ah iyo toddoba qof oo ajnabi ah.” Ayuu sii raaciyay Majed Al Ansari.

War ka soo baxay Xamaas ayaa loogu mahadceliyay labadaasi dowladood, iyadoona sheegtay in Masar iyo Qatar ay muujiyeen, sida ay u doonayaan sii socoshada heshiiska xabad joojinta ku-meel-gaar ah.

Warka ayaa lagu sheegay in Doha iyo Cairo ay xaqiijiyeen in Israel ay ka go’an tahay fulinta dhammaan qodobada heshiiska.

“Dib u dhac ka dib, caqabadaha ku horgudban sii deynta maxaabiista, waxaa looga soo gudbay xiriirka Qatar iyo Masar ee labada dhinac. 39 Falastiiniyiin rayid ah ayaa la sii deyn doonnaa caawa, halka 13 la haysteyaasha Israel oo ay ku jiraan 7 ajnabi ah ay ka bixi doonaan Gaza.” Ayaa lagu yiri warka.

Jimcihii oo ay dhaqangashay xabad joojinta Gaza, Xamaas ayaa sii deysay 24 qof, kuwaa oo 13 ka mid ah ay u dhasheen Israel, iyadoo 10 ka mid ahna ay u dhasheen dalka Thailand, halka kan kalena ay dhalashadiisu tahay Philippines.

Israel ayaana xalay sii deysay 39 Falastiiniyiini ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc