Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaal lagu weeraray Muqdisho oo khasaare gaystay

Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaal lagu weeraray Muqdisho oo khasaare gaystay

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar hoobiyeyaal ah oo saakay lagu qaaday Magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan oo u muuqday kuwo lagu weeraray Saldhigga Militariga Turkiga ee Turksom ayaa qaarkood ku soo dhacay goobo la degan yahay oo ku yaala Degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay qof dumar ahayd ayaa ku geeriyootay hoobiye ku dhacay xaafadda Tarbuushka ee Degmada Wadajir, halka afar kale oo carruur ahina ay ku dhaawacmeen.

Laba ka mid ah carruurta dhaawacantay ayaa waxaa dhashay haweeneyda qura ee la ogyahay inay ku geeriyootay hoobiyeyaasha ku soo dhacay degmadaasi.

Hooyadan iyo carruurteeda ayaa la sheegay inay ku waxyeeloobeen madfac ku soo dhacay hoygii ay ka deganaayeen xaafaddaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin hoobiyeyaasha lagu soo weeraray magaalada.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyadoona Shabaabka ay billihii ugu dambeysay kordhiyeen weerarada hoobiyeyaasha ay ka gaysanayaan Caasimadda Muqdisho.

Marar badan ayay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaartay hoobiyeyaasha ay mintidiintu ku weeraraan goobo ay ka mid yihiin Aqalka Villa Somalia iyo Garoonka Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc