Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde

Wararkii ugu dambeeyay hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde

by Laacib

Laba ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ee Magaalada Muqdisho iman jiray ayaa maanta loo baajiyay hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta ku soo dhacay xeendaabka Xerada Xalane, ee sida weyn loo ilaaliyo.

Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay gudaha ugu soo dhaceen Garoonka Aadan Cadde, tani oo keentay in la baajiyo duulimaadyadii ay maanta magaalada ku iman lahaayeen Qatar Airways iyo Flydubai.

Jugta dhowr hoobiye ayaa barqanimadii maanta si weyn looga maqlay Degmooyinka Waaberi, Hodan, Wadajir iyo Dharkiinley.

Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen hoobiyeyaashan, inkastoo aanay weli ka hadlin laamaha amniga.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda hoobiyeyaasha, sida ay baahisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Marar badan ayay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaartay hoobiyeyaasha lagu weeraro Aqalka Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc