Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay ismiidaaminta ka dhacday Ankara (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay ismiidaaminta ka dhacday Ankara (SAWIRRO)

by Laacib

Weerarkan ayaa Axaddii ka dhacay meel ku dhow Xarunta Baarlamaanka Turkiga ee Magaalada Ankara, ka dib markii ay soo qaadeen laba nin oo midkood uu xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa.

Labadan nin ayaa gaari ku yimid afaafka hore albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoona bilowgiiba uu is qarxiyay ninkii xirnaa jaakadda qaraxda.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta laga maqlay rasaas, oo lagu sheegay mid ay ciidankii goobta ku sugnaa kaga hortaggayeen ninkii labaad oo ku hubeysnaa gantaalka lidka taangiyada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegtay in ciidanku ay toogasho ku dileen ninkaasi, weerarkana ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah Ciidamada Booliska.

Raggan ayaa weerarka soo qaaday wax yar uun ka hor, xilli Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu khudbad ka jeedin lahaa furitaanka Kalfadhigga Baarlamaanka Turkiga.

Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee ANF oo lala xiriiriyo kooxda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa si adag u cambaareeyay weerarka argagixiso ee ka dhacay Caasimadda Ankara.

“Waxaan diidnay argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay, waxaana si adag u garab taaganahay xulafada Turkiga ee NATO iyo shacabka Turkiga.” Ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkaasi, isagoona sheegay in NATO ay garab taagan tahay Turkiga.

“NATO waxay u taagan tahay midnimada Turkiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.” Ayuu yiri Xoghaye Stoltenberg.

Madaxweyne Erdogan oo weerarka ka dib gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa ka jeediyay khudbaddiisii uu ugu talagalay furitaanka kalfadhigaasi, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda ay Turkiga iyo xulafadiisa Reer Galbeedka mamnuuceen ee PKK.

“Waa weerar argagixiso waxa ka dhacay Agaasinka Guud ee Amniga ee Magaalada Ankara. Argagixisadu marnaba nagama guumeysan doonto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kani waa isku daygoodii ugu dambeeyay oo ay ku doonayeen in ay ku waxyeelaayaan nabadda iyo amniga muwaadiniintayada. Ma aysan gaarin hadafkooda, mana gaari doonaan weligood.”

Waxa uu intaasi ku daray “Argagixisadu gabbalkeedu waa uu dhacay, Turkiguna wuxuu xaqiijin doonnaa amniga xuduudihiisa koonfureed, si aan uga ilaalino argagixisada dibadda.”

Madaxweyne Erdogan ayaa fallaagada PKK ku eedeeyay in tobanaan sano ay dadka Turkiga ku dhibaateynayaan koonfur bari dalkaasi, waxa uu sheegay in hadda uu xaalku ka duwan yahay sidii hore, ka dib tallaabooyin waaweyn oo dowladdiisu ay u qaadday dhinaca amniga, oo sida uu sheegay lagu xakameeyay argagixisada gudaha, haddana ay wadaan qorshe lagaga hortaggayo argagixisada dalka kaga soo duusha dibadda.

Mareykanka, Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa liiska argagixisada ku daray PKK.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc