Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamintii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamintii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

by Laacib

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa booqday qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo ay la socdeen xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhaawacyada ku booqday Isbitaalka Xoogga, oo la dhigay askarta qabta dhaawacyada aan halista ahayn, iyadoo kuwa dhaawacyada culus soo gaareen xaaladooda lagu la tacaalayo Isbitaalka Digfeer.

“Gudoomiye Abshirow ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku jiraan dhaawacyada ciidanka, isagoo ka xog-wareysanayay dhakhaatiirta xaaladda caafimaad ee askarta ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadii la socday ayaa kormeeray Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad, halkaas oo ay kula kulmeen Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Axmed Aadan Cali.

“Taliyaha ayaa Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada Labada Gole uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxa uuna kala hadlay askarta dhaawacyadooda aadka u liita in loo helo caafimaad dibadda ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga Golaha Shacabka.

Abshirow ayaa sheegay in ka baarlamaan ahaan ay xoogga saari doonaan, sidii wax looga qaban lahaa askarta ay xaaladoodu liidato.

Inkastoo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka aanu weli si rasmi ah uga warbixin khasaaraha nafeed ee weerarku gaystay, haddana illaa 25 askari ayaa la ogyahay in weerarkaasi ku dhinteen, ku dhawaad 70 kalena ay ku dhaawacmeen. 20 ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladooda lagu sheegay mid garaab ah.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in weerarka lagu dilay 73 askari, halka 124 kalena ay ku dhaawacmeen, warkaas oo aanay jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Ismiidaamiyaha oo aan la garanayn sida uu xerada ku gaaray ayaa isku qarxiyay ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, xilli ay safaf ugu jireen gudaha xeradaasi.

Ciidamadan oo laga keenay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Su’aalo ayaa ku gadaaman, sida ismiidaamiyuhu uu ku awooday inuu gudaha u galo xeradaasi, maadaama ay ka mid tahay goobaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo ee Magaalada Muqdisho.

Dadka fallanqeeya arrimaha amniga ayaa sheegaya in ay iska caddahay in ninkaasi laga la shaqeeyay in uu bartilmaameed ka gaysto Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Waxaa la eegaya waxa ay noqon doonto falcelinta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, kolka la soo geba-gabeeyo baaritaanada socda.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyadoo maanta ay afar sano ku buuxdo weerarkii 24-kii bishii July ee sanadkii 2019 ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, oo lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), qaar ka mid ah Gudoomiyeyaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo xubno kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc