Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii ku soo dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii ku soo dhacay Muqdisho

by Laacib

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saakay loo tuuray dhanka Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Mid ka mida madaafiicda oo ku dhacay guri ku yaala Degmada Waaberi ayaa galaaftay nolosha aabe iyo wiil iyo gabar oo uu dhalay, iyadoona ay dhaawacmeen hooyadii qoyska iyo laba carruur oo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in hoobiyuhu uu ku soo dhacay hoygii ay ka deganaayeen xaafadda Otto Otto ee degmadaasi.

Aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray Macalin Aweys Maadey Muudey ayaa ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo Qadiib Masjid ku yaala xaafaddaasi.

Maadey Muudey oo ah aabaha dhalay Macalin Aweys ayaa sheegay in wiilkiisa iyo labada carruurta ee uu dhalay ay si xun ugu waxyeeloobeen hoobiyaha ku soo dhacay hoygooda.

“Wiilkayga oo waxaan u tegay meel laga fiiriyo aysan jirin oo burbursan iyo laba carruur oo la geeriyooday, midba meel wax lagu tuuray oo kale u yaallaan oo rafaadsan ayaan goobta tegay. Al Xamdullillah xanuun aan la sheegi karin ayaa igu dhacay.” Ayuu yiri Maadey Muudey oo dhacdadaasi ka dib Warbaahinta la hadlay.

Hooyadii qoyska iyo laba gabdhood oo ay dhashay ayaa xaaladdooda lagu la tacaalaya goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ehelada qoyskaasi ay codsadeen in si degdeg ahi loogu gurmado hooyadaasi iyo labadeeda gabdhood.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in mid ka mida labada gabdhood ay dhaawicii soo gaaray ugu geeriyootay Isbitaalka Madiina.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Waaberi, Cali Cabdilqaadir Faarax ayaa sheegay in laba hoobiye ay ku soo dhaceen degmadaasi. Mid ka mida ayuu sheegay inaanu wax khasaare ahi gaysan, halka kan labaadna uu yahay midka waxyeelada u gaystay qoyskaasi.

“Macalin laga jeclaa Degmada Waaberi iyo qoyskiisa ayaa waxaa ku soo dhacay hoobiye, hoobiyeyaasha soo dhacay waxay ahaayeen labo. Mid ka mid ah wax khasaare ah ma gaysan, midna Macalinka iyo qoyskiisa ayuu waxyeeleeyay.” Ayuu yiri Cali Cabdiqaadir.

Dadka deegaanka oo sida ay sheegeen uu lafdhabar u ahaa Macalin Aweys ayaa waxay sheegeen in dhacdadani ay taabatay dareenkooda, isla-markaana ay murugada la qaybsanayaan qoyska uu dhibku soo gaaray.

Marar badan ayay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaartay hoobiyeyaasha lagu weeraro Aqalka Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc