Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay khilaafka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga

Wararkii ugu dambeeyay khilaafka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga

by Laacib

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ka dib weerarkii xooganaa ee ay maleeshiyada Al Shabaab Sabtidii ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa la sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu la wadaagay cabasho uu sheegay inay ka yihiin Saraakiil door hoggaamineed ku leh hawlgalka Gobolada Dhexe, isla-markaana ka amar-qaata Wasiirka Gaashaandhigga.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku waramaya in Taliyuhu uu hagardaamo iyo dibin-daabyo ku eedeynayo Saraakiishaasi, oo sida la sheegay aanan ku shaqeyn awaamiirta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu uu ku andacoonayo in Saraakiishaasi ay caqabad ku yihiin ka guul gaaridda istiraatiijiyadda dagaal, ee ay u dejiyeen in lagu maquuniyo maleeshiyada Shabaabka ee ka hawlgala deegaanada Galmudug, ee ah inaanay ciidamadu la wareegin degmooyinka iyo deegaanada muhiimka ah, iyadoo aanan maleeshiyadaasi laga sifeyn waddooyinka, tuulooyinka iyo dhulka miyiga ee goobahaasi hoostagga, si meesha looga saaro khatarta amni, ee ay mustaqbalka ku noqon karaan magaalooyinka iyo deegaanada la doonayo in la xoreeyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyuhu uu Wasiirku la wadaagay walaacooda ku aaddan Saraakiishaasi, balse aanu waxba ka qaban.

Ka dib weerarkii Cowsweyne, ciidamada ayaa Isniintii soo banneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen Degmooyinka Galcad & Ceeldheer iyo deegaanada Masagawaa, Budbud iyo Wabxo, iyagoo markaasi gadood ka muujinaya eedeymaha loo tirinayo Wasiir Jaamac.

Ciidamada oo Talaadadii gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa halkaasi kaga hortegay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, siyaasiyiin iyo ganacsato deegaanka ah, iyagoona ku qanciyay inaanay halkaasi soo dhaafin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnahan ay ciidamadu ka dhaadhiciyeen in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay dib ugu laabtaan goobihii ay dib uga soo gurteen.

Dadka ka faallooda arrimaha militariga ayaa sheegaya inaanay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee is garabsanaya ku adkaan lahayn inay soo afjaraan Shabaabka Galmudug, haddii aanay jiri lahayn xubno ku dhex jira ciidamada oo lugaha ku dhegan in horumar laga sameeyo dagaalka lagu wiiqayo argagixisada ka dagaalameysa bartamaha dalka.

Tani ayaa la sheegay inay keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si dhow u eego cabashada ciidanka dhexdiisa ah, isagoona hadda ka shaqeynaya, sidii khilaafkaasi looga gudbi lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay khudbad u jeediyay Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dhawaajiyay in la joogo, xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa ciidamada u hoosaasinaya kooxaha argagixisada.

“Waxaa la joogaa waqtigii kuwa awoodda ciidanka ee la siiyay ku takri-falay, qiyaanada sameeyay, dadka mar dab-dabeeyay, waagii lala xisaabtami lahaa bilowgeedii waa la joogaa, waana la isla xisaabtamayaa, dowladnimo waa isla xisaabtan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo muuqaal uu soo doobay kula hadlayay ciidamada dagaalka ku jira ayaa wuxuu yiri “Kuwa ka shaqeynaya in ciidanka ay tashwiish geliyaan, ogaada waa Shabaab, noogama sokeeyaan kan Shabaabka ah ee qoriga iyo qaraxa wato, noogama sokeeyaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada la dardaarmayay ayaa yiri “Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ceebna ma lihdiin, cannaana ma lihdiin, waad dadaasheen, waadna qabateen doorkii idiinku filnaa. Dad idiinku dhex jiro Sarkaal ha ahaado ama askari ha ahaado ama qof kale ha ahaadee oo khalad sameeyay hadduu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin khaladkiisa yaanu qofna ku garab siinin.”

Shacabka Soomaaliyeed oo muddooyinkii ugu dambeysay si dhow ula socday hawlgalka militari ee ka socdo Gobolada Dhexe ayaa hadalhaya, waxa lagu sheegay sida soo boodada ah ay ciidamadu u soo banneeyeen dhulkii laga xoreeyay mintidiinta Al Shabaab, bedelkii laga dhawrayay in goobo hor lihi ay gaaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc