Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa weli ku guda jira kulamada uu la qaadanayo qaybaha bulshada ee reer Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Galmudug u jooga abaabulka iyo dardargelinta hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab looga xoreynayo deegaanada Galmudug ayaa kulamo muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.

“Madaxweynaha ayaa si gaar ah Odayaasha Dhaqanka kala hadlay, sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaanada ay argagixisada A Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug, isaga oo ku booriyay in ay ka hortaggaan qorsheyaasha Khawaarijtu ku kala qaybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay ku sii carqaladeeyaan nolosha iyo horumarka bulshada.” Ayaa lagu yiri war galabta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Arbacadii Magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in dowladdiisa ay deegaanada Galmudug ka hirgelin doonto mashaariic horumarineed, haddii caqabadda keliya ee fulinta mashaariicdaasi hortaagan waa Shabaab’e laga saaro dhulka Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa lagu wadaa in hawlal ballaaran ay ka sameeyaan deegaanada Shabaabka kaga harsan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu ballaarnaa ee lagu wajaho Shabaabka, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.

Qorshaha dowladda haatan jirto ay kula dagaalameyso Shabaabka ayaad mooddaa inuu ka duwan yahay qorsheyaashii hore ee dowladihii kala dambeeyay ee dalka kula dagaalamayeen maleeshiyada, marka aad eegto dhowrka kun ee dadka deegaanka ah ee la abaabulay, isla-markaana ka qayb qaadanaya hawlgalka la doonayo in dalka lagaga ciribtiro kooxaha argagixisada iyo in Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu si kmg xafiiskiisii shaqo ugu soo raray Dhuusamareeb, si uu u dhiirigeliyo ciidamada iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada barnaamij ay ciidamada muddo dheer ugu sii joogayaan dhulka laga xoreeyo Al Shabaab, waana barnaamijka ay tahay inaanay ciidamada oo dhami ku hakan magaalooyinka iyo deegaanada la qabto, balse ay qaybtood ku faafaan oo isku fidiyaan dhulka fogfog ee miyiga, si looga hortaggo inaanay Shabaabku dib iska soo abaabulin, weerarana aanay uga gaysan goobihii laga saaray.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in hawlgalkan uu isugu jiri doono mid dhul iyo cirba leh, isagoona shacabka faray in ay isaga fogaadaan goobaha ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc