Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay markabka ganacsi ee lagu qafaashay Xeebaha Somaliya

Wararkii ugu dambeeyay markabka ganacsi ee lagu qafaashay Xeebaha Somaliya

by Laacib

Kooxo hubeysan ayaa Talaadadii markab nooca xamuulka ku weeraray Xeebaha Somaliya, iyadoona ay u suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku haynta markabkaasi.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in illaa 20 nin oo hubeysan ay qafaasheen markabkaasi, inkastoo aysan Ambrey sheegin in kuwa markabka afduubtay ay yihiin burcad badeedda Soomaalida.

Ambrey ayaa ku warantay in markabku uu yahay nooca xamuulka qaada, kaas oo laga leeyahay dalka Bangladesh, waana mid ka mid ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee lagu daabulo shixnado aad u badan.

Wararka ayaa sheegaya in markabku uu ka yimid dalka Mozambique, isla-markaana uu ku sii jeeday Emirate-ka Carabta.

Wararaka ayaa intaasi ku daraya in weerarku uu ka dhacay meel qiyaastii 600 nautical miles dhanka bari kaga beegan Caasimadda Muqdisho.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Abdullah, ayna la socdeen 23 shaqaale ayaa siday 55,000 oo tan oo dhuxul ah markii la weerarayay, sida ay xaqiijisay Shirkadda Kabir Steel Re-Rolling Mills (KSRM) oo iska leh markabkaasi.

Markabka iyo dhammaan shaqaalihii la socday oo u dhashay dalkaasi Bangladesh ayaa lala aaday meel aan ahayn jihadii uu ku socday.

Shirkadda KSRM ayaa tuhunsan in weerarka ay gaysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida. KSRM ayaana sheegtay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu soo samatabixiyo shaqaalaha iyo markabkaba.

Haddii la xaqiijiyo in weerarka markabkan ay gaysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa waxa uu noqonaya kiisii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsado markab ganacsi, ka dib markii bartamihii bishii December ay dib u soo laba kacleeyeen weerarada kooxaha burcad badeedda.

Kooxaha burcad badeedda ayaa 14-kii December gacanta ku dhigay markab nooca xamuulka oo watay Calanka Malta, laguna magacaabo MV RUEN, kaas oo laga afduubay meel u dhow Badda Carabta.

Markabka oo ay la socdeen 18 shaqaale ayaa la sheegay in kooxaha burcad badeedda ay ku haystaan meel u dhow deegaanka Bayla oo lagu magacaabo Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari uga toosan Magaalada Boosaaso, sida ay horaan xaqiijisay Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc