Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay markabka weyn ee ku gubanaya Gacanka Cadmeed

Wararkii ugu dambeeyay markabka weyn ee ku gubanaya Gacanka Cadmeed

by Laacib

Markabka nooca xamuulka ee True Confidence ayaa weli ku gubanaya Gacanka Cadmeed, ka dib markii Xuuthiyiinta Yemen ay Arbacadii garaaceen.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in gantaal nooca ballaastikada ah oo weerarka loo adeegsaday uu haleelay markabkaasi.

Taliska Dhexe ayaa sheegay in weerarku uu si xun u waxyeeleeyay markabka, isla-markaana ay ku dhinteen saddex ka mid ah shaqaalihii la socday, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in la beegsaday markabka, xilli uu u sii gudbayay Gacanka Cadmeed.

“Shaqaalaha caalamiga ah waxay ku waramayaan in saddex dhimasho ah ay jirto, ugu yaraan afarna ay dhaawacantay, oo saddex ka mid ah ay xaaladdoodu liidato. Burbur xoogan ayaana soo gaaray markabka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Mareykanka ayaa iska fogeeyay in uu leeyahay markabka oo ku safrayay Calanka Barbados.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta Yemen, Yahya Saree oo xalay hadlay ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in markabkaasi laga leeyahay dalka Mareykanka.

“Waxaan ku kalsoonahay in markabka uu leeyahay Mareykanka, waa dhab waa markab Mareykan ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo ka soo muuqday telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Hawlgalka lagu bartilmaameedsaday ayaa yimid, ka dib markii shaqaalaha markabka ay dhegaha ka fureysteen digniinta Ciidanka Badda Yemen.”

Dhanka kale Washington ayaa cambaareysay weerarka lagu waxyeeleeyay markabka ganacsi ah, iyadoona dowladaha caalamka ugu baaqday in ay ka qayb qaataan hawlgalada ay isbahaysiga Mareykanka kula dagaalamayaan weerarada Xuuthiyiinta.

“Weeraradan taxadar la’aanta ah ee Xuuthiyiinta ay Iran taageerto keliya ma carqaladeyn ganacsiga caalamiga ah, laakiin sidoo kale waxay halis gelinayaan nolosha badmaaxiinta caalamiga ah oo si fudud shaqadooda u gudanaya.” Ayay tiri Karine Jean-Pierre, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad.

Karine Jean-Pierre ayaa tiri “Waxaan ku cambaareynaynaa weeraradan, waxaana ugu yeeraynaa dowladaha adduunka in ay nagu soo biiraan, oo ay naga la qayb qaataan joojinta weeraradan naxdinta leh.”

Shaqaalihii kale ee la socday markabkan ugu dambeeyay ee la dab saaray ayaa lagu lagu guuleystay in laga daadgureeyo .

Waa weerarkii ugu horreyay ee la soo wariyo in badmaaxiin lagu dilay, tan iyo markii Xuuthiyiintu ay bishii November bilaabeen weeraradooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Weeraradan ayaa walaac ku haya xulafada uu Mareykanka hoggaamiyo oo dalka Yemen ka fulinaya duqaymo ka dhan ah Xuuthiyiinta oo maamula inta badan dalkaasi.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel, inta ay reer galbeedku ka soo afjarayaan duulaanka Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc