Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay nin ganacsade ahaa oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Wararkii ugu dambeeyay nin ganacsade ahaa oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka nin ganacsade ahaa saakay loogu gaystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Boosaaso, sidoo kalena waxa uu ka tirsanaa waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Gobolka Bari.

Ganacsadaha ayaa la weeraray, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay Masaajidka Basiir oo Salaaddii Subax uu ku soo tukaday, iyadoona ay dilkiisa gaysteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Masjidkan ayaa ku yaala xaafadda Biyo Kulule, gaar ahaan agagaarka Ex Shirkaddii Isgaarsiinta ee Netco.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dembiileyaasha ay waddada u galeen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ragga dilka gaystay ay isaga baxsadeen goobtaasi, ka hor intii aysan gaarin Ciidanka Booliska.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya inaanay jirin cid illaa iyo hadda loo soo qabtay dilka ninkaasi loogu gaystay Magaalada Boosaaso.

Laamaha amniga ayaan weli ka hadlin falkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay magaalada, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, marka laga soo taggo in lala xiriirinayo kooxaha argagixisada.

Malaaq Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi ayaa muddo dheer deganaa Magaalada Boosaaso, isagoona ka mid ahaa ganacsatada reer Koonfur Galbeed ee sida weyn looga yaqaano magaaladaasi.

Salaaddii Jimcaha ka dib ee 1-dii bishan ayay ahayd, markii nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Khadar Cabdi Cali lagu dilay halka lagu magacaabo Jiiro Garoob ee xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladaasi.

Khadar Cabdi ayaa ahaa Gudoomiyihii Dhallinyarada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc