Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku galay Caad

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar culus ku galay Caad

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ballaaran oo maleeshiyada Al Shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanka Caad ee koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo maleeshiyada ku weerartay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bilowgiiba ay Shabaab u suurtagashay in ay si buuxdo u soo galaan xaafadaha Caad, muddana ay ka dagaalamaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaabku ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta deegaanka, balse ciidamada oo dib iska soo abaabulay ay keentay inay dib uga riixaan deegaanka.

Mahad Warsame oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay gurmadyo ka heleen meelo kala duwan, isla-markaana ay haatan si buuxdo ugu sugan yihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay aadeen dhinaca dhulka hawdka ee ku yaala deegaanada Eryaal, Miliqo iyo Miiroon, isla-markaana ay jiraan diyaarado dagaal oo dhanka cirka ah ka duqeeyay, intii ay dib uga garanayeen deegaanka Caad.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa ciidamada ku ammaanay in ay fashiliyeen weerarka safka ballaaran ee ay Shabaabku ku soo qaadeen Caad.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu faah faahiyo khasaaraha kala gaaray labada dhinac, sababo ku aaddan isgaarsiinta deegaanka oo uu ku andacooday inay tahay mid aad ciriiri u ah.

Hase yeeshee wararka laga helayo Caad ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyada kala gaaray.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in maleeshiyadooda ay cagta mariyeen dhammaanba 5-ta saldhig ee ay ciidamadu ku lahaayeen deegaankaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 191 ka mid ah ciidamada, iyadoo ay sheegteen in tiro intaasi ka badana ay dhaawaceen, halka tiro maxaabiis ahna ay gacanta ku dhigeen. Shabaabka ayaa ku faanay in sidoo kale ay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo weliba hub.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa 4-tii bishan la wareegay gacan ku haynta deegaanka Caad.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ay Shabaabku ka gaystaan koonfurta Gobolka Mudug, tan iyo intii gobolkaasi ay hawlgalada ka bilowdeen bishii September.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc