Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku galay Hotel Pearl ee Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku galay Hotel Pearl ee Muqdisho

by Laacib

Dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa caawa weerar qarax ku bilowday ku qaaday Hotel Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho.

Pearl Beach waa hotel iyo maqaaxi laga cunteeyo oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis. Weerarka lagu qaaday ayaana bilowday saacadda markay ahayd 8:00pm.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee hotelkaasi, ka dibna ay gudaha u galeen dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud, qaarkoodna jawaano ku waday wax loo maleynayo rasaas iyo bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro.

Ciidamada amniga oo goobtaasi gaaray ayaa xiray dhammaanba waddooyinka soo gala, iyagoona dagaal kula jira dableydii weerarka soo qaadday.

Ciidamada ayaa goobtaasi ka soo samata-bixiyay qaar ka mid ah dadkii ku go’doonsanaa, kuwaa oo halkaasi laga soo saaray, iyagoo la anfariirsan waxa goobtaasi ka dhacay.

Goobjoogeyaashu waxay sheegeen in daqiiqado ka hor weerarka uu goobtaasi ka jiray mashquul badan, wax kastana ay daqiiqado yar gudahood isu bedeleen.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya inay aad u adag tahay in macluumaad sax ah laga helo wax ka socda gudaha hotelka iyo khasaaraha uu weerarku gaystay, balse uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarkaasi ka dhashay.

Wariyeyaasha oo ku sugan dhismooyinka ku dhow dhow hotelkaasi ayaa soo sheegaya in weli goobtaasi laga maqlayo rasaas iyo qaraxyo, isla-markaana ay ciidamadu isku dayayaan in ay weerarkaasi soo afjaraan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka, Dr. Maxamed Xasan Maxamed (Buraale) iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga ayaa sidoo kale ku sugan agagaarka goobta uu weerarku socdo.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan dableydaasi. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka soo daad-gureeyeen dad fara-badan oo nasiino u joogay hotelkaasi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa iyana qoraal ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay gudaha ugu jiraan hotelkaasi.

Weerarku waxa uu imaanaya, xilli billihii ugu dambeysay ay ka soo reyneysay xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad ee ay argagixisadu sanadkan ka gaystaan Caasimadda Muqdisho. Weerarkan kii ka horreyay ayay 22-kii bishii January ku qaadeen Xarunta Dowladda Hoose Xamar ee Degmada Xamar Weyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc