Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Shabaabka lagu go’doomiyay Hirshabelle

Wararkii ugu dambeeyay Shabaabka lagu go’doomiyay Hirshabelle

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maalintii 5aad ku go’doonsan yihiin deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Mintidiinta ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay isku uruursanayeen deegaankaasi, si ay weeraro uga gaystaan deegaanada Hirshabelle, ciidamaduna ka war helayn qorshahoodaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana ay u muuqdaan inaanay doonayn in dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo isaga kala yimid Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Maxaas ayaa saddex jiho ka kubaareeyay Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka baxeen dhulka hawdka ee ku yaala hareeraha webiga, isla-markaana ay galeen godad ay horaan ka sii qoteen dhulka beeraha halkaasi ku yaala.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in kooxaha argagixisada ay ka dhex dagaalamayaan godadkaasi, ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay weli dhanka cirka ka garaacayaan maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku mintidaya, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen, maadaama uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Saraakiisha Ciidamada ayaa tirada Shabaabka ee halkaasi ku sugan ku sheegay illaa saddex boqol oo nin.

Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil uu ka mid yahay Korneyl Cali Xuubey, oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka looga kicin lahaa aagagga ay kaga sugan yihiin deegaanka Cali Fooldheere.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc