Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay shacabka lagu xasuuqay Gaza iyo tirada carruurta gaajada u dhimaneysa oo korortay

Wararkii ugu dambeeyay shacabka lagu xasuuqay Gaza iyo tirada carruurta gaajada u dhimaneysa oo korortay

by Laacib

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay sii wadaan weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah, taas oo sare u qaadday tirada dhimashada iyo dhaawaca ee rayidka.

Wasaaradda ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay Ciidamada Israel dileen 72 qof, 129 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wadarta guud ee dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza ay hadda gaartay 31,184 qof, in ka badan 72,889 kalena ay dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku bilowday October 7-deedii.

Dhanka kale laba canug oo kale ayaa gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyooday isbitaal ku yaala waqooyiga Gaza.

Dhallaankan ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Kamaal Adwan, sida uu xaqiijiyay Dr. Samer Labad, oo ah dhakhtarka carruurta.

“Carruurtu waxay dhinteen, iyada oo gumeystaha Israel uu diidan yahay in cuntada iyo sahayda caafimaadka ay soo gasho waqooyiga Gaza.” Ayuu yiri Samer Labad.

Dhakhtarku waxa uu ka digay in carruur badan ay halis ugu jiraan inay u dhintaan sida uu yiri nafaqo darro, haddii aan la jabin go’doominta Israel.

“Waxaan ka codsanaynaa Laanqayrta Cas iyo hay’adaha caalamiga ah inay si degdeg ah u soo fara-geliyaan, si ay cunto iyo sahay caafimaad u helaan dadka degan waqooyiga Gaza.” Ayuu yiri Samer Labad.

Tani ayaa tirada carruurta ee gaajada ugu geeriyootay Marinka Gaza ka dhigeysa toddobo iyo labaatan.

Militariga Israel ayaa weli hortaagan in gargaarka bani’aadantinimada uu si xor ah u galo dhulka muddada dheer go’doonsan.

Weerarada arxan-darrada ee Ciidamada Israel iyo go’doomintooda Gaza ayaa soo dedejisay masiibada bani’aadantinimo ee maanta ka jirta Marinka Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa waxaa ku barakacay in ka badan shan iyo sideetan boqolkiiba (85%) bulshada ku dhaqan Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Dadka ku nool Gaza ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 2.3 milyan oo qof.

Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeysay in ciidamadeeda ay burburiyeen inta badan kaabeyaashii rayidka ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc