Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Degmada Ceelbarde

Wararkii ugu dambeeyay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Degmada Ceelbarde

by Laacib

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee maanta war ka soo saartay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Diyaaraddan oo nooca xamuulka ahayd ayaa ka baxday dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan, xilli ay ka deganeysay garoonkaasi.

Shilka ayaa waxaa ku dhintay duuliyihii diyaaradda, iyadoo caawiyihiisiina uu ku dhaawacmay, diyaaradda ayuuna burbur ka soo gaaray qaybaha hore.

Diyaaradda oo ka ambaxday Magaalada Muqdisho ayaa gargaar u sidday Degmada Ceelbarde.

Warka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa u qornaa “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in diyaaradda nooceedu yahay Fokker 50 (F50) Cargo, taargadeedu tahay 5Y-JWG oo u shaqeynaysay Shirkadda Jet Ways ayaa ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Ceelbarde maanta oo ay taariikhdu tahay 18 January, 2023, saacadduna ahayd 11:30 duhurnimo.

Diyaaradda waxaa saarnaa 4 qof oo shaqaalaha diyaaradda ah. Waxaa jira hal dhimasho iyo hal dhaawac culus.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay weli ku guda jirtaa baaritaan ku saabsan shilkaasi maanta dhacay, waxa ayna soo saari doontaa warbixin dhameystiran, marka la soo geba-gabeeyo baaritaankaas.”

Dhacdooyinka shilalka diyaaradaha ayaa sanadihii la soo dhaafay ku soo badanaay garoomada diyaaradeed ee ku yaala dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc