Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socdo Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socdo Dhuusamareeb

by Laacib

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa maalintii labaad ka socdo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shirka ka furay magaaladaasi ayaa looga hadlaya arrimaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale shirka kaga arrinsanaya barnaamijka lagu xasillinayo deegaanada la xoreeyay, loogana hirgelinayo mashaariicda horumarineed.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), inkastoo la sheegayo in lagu soo casuumay, balse aanu ka jawaabin.

Waa shirkii 3aad oo xiriir ah oo Madaxweyne Deni uu ka maqan yahay. Madaxweyne Deni ayaan ka qaybgelin labadii kulan ee ugu dambeysay ee goluhu ku yeeshay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa aad u xumaa cilaaqaadka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Shirkan ayaa imaanaya, iyadoo markaan Madaxdii Qaranka ay ku sugan yihiin maamulka ay Puntland deriska yihiin ee Galmudug, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu tan iyo 5-tii bishan u joogay gulufka la doonayo in maleesiyada Shabaabka lagaga saaro Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc