Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo si weyn amnigeeda loo adkeeyay.

Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa iska kaashanaya sugidda amniga ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka magaalada, iyadoona qaybtood lagu arkayo xaafadaha magaalada.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iyana la soo dhigay waddada xiriirisa magaalada iyo Garoonka Ugaas Nuur, halkaas oo wafdiga Madaxweynuhu ay ka soo degi doonaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale lagu arkayaa waddooyinka soo gala magaalada ee ka yimaada deegaanada ku xeeran Dhuusamareeb.

Amniga goobta uu degayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Koofi Casta, kuwaa oo Khamiistii gaaray magaaladaasi.

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu saldhig ka sameysto Dhuusamareeb, muddada uu gobolku ka socdo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magaalada kulamo kula leh Odayaasha Dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, isagoona halkaasi kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee hawlgalka.

Wejiga labaad ee hawlgalkan ayuu wareeggiisu hore qorshuhu yahay in kooxaha argagixisada lagaga sifeeyo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda diyaariyay ciidamada iyo xoogaga deegaanka ee lagu wado in ay iska kaashadaan hawlgalada laga sameynayo Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, inkastoo meelaha qaarkood ay gaabis ka iman karaan.

Dadka reer Galmudug ayaa u muuqdo kuwo si firfircoon ugu diyaargaroobay hawlgalkaasi, oo la doonayo in lagu wiiqo kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in dadkiisu ay fure u noqon doonaan gulufka dalka looga ciribtirayo kooxahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc