Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay tirada dadka rayidka ee lagu dilay Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay tirada dadka rayidka ee lagu dilay Marinka Gaza

by Laacib

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ayaa si dhakhsa ah uga sare martay 30 kun oo qof, xilli maalmo ka hor uun ay tiradaasi ku buuxsantay 29 kun.

Weerarada aan loo meel dayin ee ay Ciidamada Israel ka wadaan dhulka la kubaareeyay ayaa loo aaneynaya in ay ugu wacan tahay kororka baaxadda leh ee khasaaraha shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in wadarta guud dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza, tan iyo markii ay colaadda bilaabatay 7-dii October ay gaartay 30,035 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay 70,475 qof.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay jiraan in ka badan 7 kun oo qof oo lagu la’yahay burburka dhismayaasha.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tirada dadka la dilay ay 13,230 ka mid ah yihiin carruur, kuwaa oo ay ku jiraan toban u dhintay gaajo.

“Dadka dhintay waxaa sidoo kale ku jira 8,860 haween ah, 340 shaqaale caafimaad, 132 Saxafi iyo 47 shaqaalaha difaaca rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada Israel ayaa Khamiistii shalay oo keliya goob qura ku dilay 112 qof oo shacab ah, 760 kalena ku dhaawacay, markii ay weerareen dad rayid ah oo isugu soo baxay waddada xeebta ee Rashid oo lagu waday in gargaar raashiin loogu qaybiyo dadkaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc