Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta

Wararkii ugu dambeeyay tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta

by Laacib

In ka badan toban kun oo qof ayaa lagu dilay 31 cisho oo weeraro aan kala joogsi lahayn ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay gaartay 10,022 qof, oo ay ku jiraan 4,104 carruur ah iyo 2,641 haween ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay jiraan dad fara-badan oo ku hoos jira burburka dhismayaasha, isla-markaana ay aad u yar tahay rajada laga qabo in la gaaro.

Ugu yaraan 2,000 oo qof ayaa la sheegaya in ay ku hoos jiraan burburka. Qalab la’aanta iyo mashiinada dhulka lagu qado oo aysan kooxaha gurmadka haysan ayaa adkeynaysa in la soo samatabixiyo dadkaasi.

Weerarada dhul iyo cirba leh ee Ciidamada Israel ka gaysanayaan Gaza ayaa magaalada u bedeshay doox uu dhiigga dadku ku qulqulayo.

Sidoo kale go’doominta guud uu Maamulka Israel geliyay magaalada ayaa adkeysay in la helo waxyaabaha aasaasiga ah, sida cuntada, korontada iyo shidaalka aadka loogu baahan yahay.

Korontada ay Israel ka jartay Gaza iyo shidaalka la hortaagan yahay in la geeyo ayaa soo dedejisay in ay xirmaan ku dhawaad kala bar xarumihii caafimaadka ee magaaladaasi. Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in hannaankii caafimaadka Gaza uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

Duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel ayaa hal dhibic shan milyan (1.5M) oo qof ku khasabtay in ay guryahooda ka barakacaan.

Iyadoo dunida ay qaylo dhaan ka muujineyso waxa ka socda Gaza, haddana waxaan jirin calaamado muujinayo in la sameynayo xabad joojin bani’aadantinimo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc