Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay tirada maxaabiista Israel ee lagu hayo Gaza

Wararkii ugu dambeeyay tirada maxaabiista Israel ee lagu hayo Gaza

by Laacib

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa mar kale war ka soo saaray tirada maxaabiista Israeliyiinta ee gacanta ugu jira Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Daniel Hagari ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay hadda gacanta ku hayaan 199 qof oo Israeliyiin ah.

“Waxaan wadnaa dadaalo aan ku ogaanayno halka ay Gaza kaga sugan yihiin muwaadiniinteenna.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka oo Isniintii ka soo muuqday Warbaahinta ayaa yiri “Waan ku daba jirnaa macluumaadkaas, mana qaadi doono weerar halis gelinaya dadkeenna.”

Maxaabiistan oo isugu jira rayid iyo Ciidamada Israel ayay Xoogaga Xamaas ku soo qafaasheen weerarkii ballaarnaa, ee ay 7-dii bishan ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista ay ku jiraan dad haysta laba dhasho. Mareykanka ayaa horaan sheegay in 20 ka mid ah muwaadiniintiisa lagu haysto Gaza, halka Britain ay iyana sheegtay in 10 ka mid ah muwaadiniinteeda la la’yahay.

Sidoo kale muwaadiniin kale oo u dhashay dalalka Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa la sheegaya in ay ka mid yihiin dadka lagu haysto Gaza, inkastoo aanay weli Xamaas xaqiijin jinsiyadaha la haysteyaasha.

Waxaad mooddaa in weli uu jahwareer ka jiro tirada saxda ah ee la haysteyaasha, marka aad eegto wararka is burinaya ee Israel ka soo saareyso dadka maqan. Xamaas waxay gelinkii dambe ee Isniintii shaacisay in ay gacanta ku hayso 250 maxaabiis ah, mana sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in ay jiraan boqolaal qof oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ay Xamaas ka gaysatay dhulka la haysto.

Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii tirada la haysteyaasha ku sheegay 126 qof, isla-markaana uu socdo qorshihii lagu soo samatabixin lahaa.

Afhayeenka Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, gabadha lagu magacaao Tal Heinrich ayaa mar sii horreysay tirada maxaabiista Israeliyiinta ee la haysto ku sheegtay 120 qof, balse saacado ka dib tiradaasi la gaarsiiyay 155 qof.

Ugu yaraan 1,400 oo israeliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu weerarku dhacay, halka 3,500 oo kalena la dhaawacay, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Israel iyo xulafadeeda galbeedka ayaa wax la yaab lihi ku tilmaamay weerarka Xamaas, oo noqonayo kiisii ugu dhiig daadashada badnaa ee taariikhda Israel, muddo 75 sano ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc