Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay tirada shacabka Falastiiniyiinta ee lagu laayay Gaza

Wararkii ugu dambeeyay tirada shacabka Falastiiniyiinta ee lagu laayay Gaza

by Laacib

Dhimashada Falastiiniyiinta ee weerarada joogtada ah ee Israel ku hayso Marinka Gaza ayaa kor u dhaaftay 28,000 oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha Israel ku dhinteen 112 qof oo rayid ah, 173 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 28,176 qof iyo dhaawaca 67,784 qof, tan iyo markii uu qarxay dagaalka, 7-dii October.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kumanaan qof oo kalena ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, kuwaa oo ay adag tahay in la soo samatabixiyo.

Iyadoo Israel ay sii waddo weerarada naxariis darrada ah ee Gaza ayay haddana isku diyaarineysaa in hawlgal ballaaran oo dhinaca dhulka ah ay ku qaaddo deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza.

Ciidamada Israel ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay xoojiyay weerarada xagga cirka ah ee ay ka sameynayaan Rafah, oo ku taala xadka Gaza iyo Masar.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tan iyo Jimcihii ay duqaymaha Rafah ka socda ku dhinteen ugu yaraan 28 qof.

Warbaahinta Israel ayaa iyana ku waeantay in militarigu ay isku diyaarinayaan duulaanka Rafah, iyadoo laga jawaabayo amarka Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Rafah oo ay ku barakaceen in ka badan hal milyan oo qof ay ka sifeyn doonaan waxa uu ugu yeeray argagixisada Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc