Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay Webiga Shabelle oo ku fatahay Degmada Buulo Burde

Wararkii ugu dambeeyay Webiga Shabelle oo ku fatahay Degmada Buulo Burde

by Laacib

Webiga Shabelle oo horaantii bishan ku fatahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa haatan bilaabay in uu ku fataho xaafadaha Degmada Buulo Burde ee gobolkaasi.

Fatahaadda ayaa waxay kala jartay isu socodka labada daamood ee degmada oo webiga uu dhex maro.

Muuqaalo laga soo qaaday degmadaasi ayaa muujinaya biyaha webiga oo ka sare maray buundada kala qaybisa bariga iyo galbeedka degmadaasi.

Maamulka Degmada Buulo Burde ayaa sheegay in dadku ay ka barakacayaan afarta xaafadood ee Buulo Burde, ka dib markii ay si weyn fatahaadda u saameysay.

Jaliil Ciise Maxamed (Foodey), Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda Degmada Buulo Burde ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu soo gurmado qoysaska ay barakaciyeen fatahaadahaasi.

Buulo Burde waa magaalada labaad ee ugu weyn Gobolka Hiiraan, ee uu ku fataho Webiga Shabelle.

Webiga Shabelle oo mara qaybo ka mida Gobolada Koonfurta ayaa waxaa ku tiirsan dadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada degan agagaarka goobaha uu webigaasi maro.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc