Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza

Wararkii ugu dambeeyay weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa ballaariyay hawlgalada xagga cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyadoo dhinaca kalena ay korortay tirada dhimashada ee dadka rayidka ah.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegeysa in Ciidamada Israel ay xalay illaa maanta ay duqaymo culus ka gaysteen koonfurta iyo bartamaha Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka Khan Yunis uu ka mid yahay meelaha ugu daran ay duqaymaha ka gaysteen Militariga Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in laba ka mid ah dagaal-yahanada Xamaas ay ku dileen Khan Yunis, iyagoo gaari ku daabulaya sida ay sheegeen hub.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadooda ay dileen shan nin oo kale oo ka tirsan Xamaas, xilli ay isku dayayeen in ay hub ka qaadaan waqooyiga Gaza.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay weerar ka fuliyeen Xarunta Taliska Xamaas ee Khan Yunis, isla-markaana ay la wareegeen daraasiin hub ah iyo qalabka quusitaanka, oo ay lahaayeen sida ay sheegeen Ciidamada Badda Xamaas.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha Israel ku dhinteen 132 qof oo dhammaantood dad shacab ahaa, halka 252 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday lagu dilay Gaza in ka badan 24,100 qof oo dad rayid ah, in ka badan 60,834 qofna ay ku dhaawacmeen.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay in maalintii afaraad uu go’an yahay adeeggii isgaarsiinta iyo khadka internet-ka ee Marinka Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa mar kale qaylo dhaan ka muujiyay xaaladda quusta ah ee ka jirta Gaza, iyagoo ka digay masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc