Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay weerarka ay Shabaabku ku qaadeen deegaanka Shabellow

Wararkii ugu dambeeyay weerarka ay Shabaabku ku qaadeen deegaanka Shabellow

by Laacib

Mintidiinta Al Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku qaaday deegaanka Shabellow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay ku leeyihiin deegaankaasi, halkaasina uu ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay isku dayeen inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka, balse ay ciidamadu difaacdeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gurmad ka heleen Wisil, Cammaara iyo Bacaadweyne, isla-markaana ay xilligan wadaan hawlgalo ay Shabaabku kaga fogeynayaan tuulooyinka ku dhow dhow Shabellow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay iska soo abaabuleen hawdka deegaanka Shabellow, halkaas oo loo maleynayo in intooda badan ay dib ugu laabteen.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay duqayn ka gaysteen dhulka hawdka ee ku dhow dhow Shabellow.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay jilbaha u laabteen weerarka qorsheysan ee ay Shabaabka ku soo qaadeen deegaankaasi.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyada xaq u dirirka deegaanka ayaa ka hortegay qorshihii maleeshiyaadka naf la caariga ah. Waxaa dagaalka looga dilay in ka badan 21 maleeshiyaad ah, waxaana laga gubay 4 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah.” Ayaa lagu yiri warka Taliska Militariga.

Taliska ayaa sheegay in dadka deegaanka oo ciidamada la soo wadaagay xogta Shabaabkii weerarka soo qaaday ay keentay in waddada loo galo, lagana gubo gaadiidkii ay wateen, waxaana jab xoogan mar kale lagu gaarsiiyay Gobolka Mudug, sida uu talisku warka ku sheegay.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in Gobolka Mudug ay ku soo qulqulayaan xubno badan oo Shabaab ah, kuwaa oo ka soo baxsanaya sida uu yiri duqaymaha diyaaradaha dagaalka ay ka wadaan Gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in haatan la kordhin doono weerarada xagga ee ka dhanka ah Shabaabka Gobolka Mudug, ciidamaduna ay dhawaan qaadi doonaan hawlgalo dhinaca dhulka ah, oo lagu soo afjarayo sida uu sheegay kooxaha argagixisada.

Shabaabka ayaa 24-kii bishii January sidaan oo kale u weeraray deegaanka istiraatiijiga ah ee Caad ee gobolkaasi, oo laga saaray horaantii bishaasi.

Weerarkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay deegaanka Shabellow ayaa imaanaya, xilli gobolka uu ka socdo dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo guluf ballaaran oo ka dhan ah Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc