Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel SYL

Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel SYL

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa wada hawlgal ay ku doonayaan in ay ku soo afjaraan kooxihii weerarka ku qaaday Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda, Booliska Haramcad iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group (Gaashaan) ayaa dagaal kula jira kooxahaasi oo ka dhex dagaalamaya hotelka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay guda galeen wejigii ugu dambeeyay ee hawlgalka, ka dib markii wejigiisii hore ay ku soo samatabixiyeen inta badan dadkii ku sugnaa hotelkaasi.

Hotelka ayaa xilligii la weerarayay waxa uu kulan uga socday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, waxaa sidoo kale ku sugnaa oo ku caweynayay dad ay qurbajoog ka mid yihiin.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dad masuuliyiin ah ay ku dhaawacmeen weerarka ay dableyda hubeysan ku gashay SYL Hotel.

Xildhibaan Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere), Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale Afrax ayaa la sheegaya in ay ka mid yihiin xubnaha ku dhaawacmay weerarka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Haramcad, Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayay wararku sheegayaan in isna uu ku dhaawacmay weerarkaasi.

Weerarkan oo u muuqday mid si weyn loo soo abaabulay ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay bannaanka hore ee hotelka, ka dibna ay gudaha u galeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Hotelkan oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo ayaa ku yaala agagaarka Madaxtooyada Qaranka, waxaana uu saaran yahay mid ka mid ah waddooyinka laga galo Villa Somalia.

Al Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Shabaabka ayaa marar hore sidaan oo kale u weeraray hotelkan oo dacalka ku haya Taalada SYL, oo astaan u ah xornimada Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc