Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Xoogaga Xuuthiyiinta

Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Xoogaga Xuuthiyiinta

by Laacib

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa aroornimadii hore ee saakay weeraro xagga cirka ah ka gaystay bartilmaameedyo ay Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ku leeyihiin dalkaasi.

Weeraradan ayaa laga fuliyay ku dhawaadn 30 goobood oo ku yaala dalka Yemen, iyadoo la adeegsaday in ka badan 150 gantaal, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Isku Dhafka ah ee Mareykanka, General Douglas Sims.

Taliyaha ayaa tilmaamay in duqaymuhu ay ahaayeen kuwo si taxadar leh loo fuliyay, meelaha laga gaystayna ay ku jiraan Magaalooyinka Sanca, Hudaydah iyo weliba dhulka miyiga ee ay Xuuthiyiintu maamulaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in duqaymaha ay daba socdaan weerarada aan horey loo arag, ee ay Xuuthiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiibta mareysa marinka ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas.

“Weeraradan lala beegsaday Xuuthiyiinta waa farriin cad, oo ah in Mareykanka iyo saaxiibadeenu aysan u dulqaadan doonin in la waxyeeleeyo xorriyadda socodka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Biden ayaa ku goodiyay in Washington aysan ka laba labayn doonin in la qaado weeraro dheeri ah, haddii buu yiri loo baahdo.

Duqaymahan ayaa calaamad u ah fara-gelintii ugu horresay ee Mareykanka uu kaga falceliyo weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaado maraakiibta ganacsiga, tan iyo markii Xoogaga Xuuthiyiinta ay bishii November bilaabeen hawlgaladooda militari ee Badda Cas.

Xuuthiyiinta ayaa bishii December ku dhawaaqay in ay bartilmaameed yihiin maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee la macaamila dekedaha maamulkaasi.

Duqaymahan ayaa sidoo kale noqonaya kuwii ugu horreyay ee laga fuliyo dhulka Yemen, tan iyo intii ay colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Xuuthiyiinta ayaa ka arrimiya inta badan dalka Yemen oo ay ku jirto Caasimadda Sanca, iyagoo ku dhawaad sideed sano dagaal kula jiray isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Xuuthiyiinta ayaa garab iyo gaashaanba u ah Xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel. Xuuthiyiinta ayaa horaan sheegay inaysan ka laaban doonin hawlgalada militari ee lagu go’doominayo Dekedaha Israel, illaa iyo inta ay Israel waddo weeraradeeda Gaza, dadkana ay u diidan tahay cuntada, biyaha iyo dawooyinka ay u baahan yihiin.

Weerarka lagu qaaday Xuuthiyiinta ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay sii kororto xiisadda colaadeed ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc