Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee ka taagan Gaza

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee ka taagan Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay duqaymaha xoogan ee ay ka gaysanayaan koonfurta Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in duqaymo arxan-darro ah ay ka gaysteen Khan Yunis iyo Rafah, isla-markaana ay ku dileen tobanaan qof.

Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan 7 carruur iyo 5 dumar ah ayaa lagu dilay weerarada Israel ku qaaday Rafah, halka 2 kalena ku dileen Khan Yunis, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Dhammaan dadkan ayaa la sheegay in la dilay, xilli ay ka baxsanayeen duqaymaha sii kordhaya ee Israeliyiintu ka gaysanayaan dhulka la go’doomiyay.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka ay Ciidamada Israel dileen ay hadda gaartay 18,412 qof, oo u badan dumar iyo carruur.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in Militariga Israel ay maanta xoog ku galeen Isbitaalka Kamal Adwan, ka dib maalmo uu sheegay inay ku hareereysnaayeen.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Israel ay dad badan ka qabqabteen isbitaalkaasi, kuwaa oo ay ku jiraan buu yiri Shaqaalaha Caafimaadka.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Israel iyo taangiyadoodaba ay ku hareereysan yihiin isbitaalkaasi, iyaga oo agagaarka isbitaalka kula dagaalamaya xoogaga wax iska caabinta.

Hay’adda OCHA ayaa ku warantay in laba hooyooyin ah ay dhinteen, ka dib markii Ciidamada Israel ay shaqo joojin ka sameeyeen qaybta hooyooyinka ee isbitaalka, isla-markaana ay dhismaha isbitaalkaasi gabaad ka dhiganayaan in ka badan 3,000 oo barakacayaal ah, waana xilli laga soo sheegayo in ay ka jirto koronto la’aan, biyo yari iyo cunto xumo.

Philippe Lazzarini, oo ah Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa xaaladda Gaza ku qeexay cadaabta dhulka, ka dib markii uu booqday Marinka Gaza.

“Dadku meel walba ayay joogaan, waxay ku nool yihiin waddooyinka, waxay u baahan yihiin wax kasta. Dadku waxay baryayaan badbaado iyo in la soo afjaro cadaabtan dhulka.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.

Lazzarini ayaa intaasi ku daray “Shaqaalaheenna waxaa laga codsanaya in wax aan macquul ahayn ay ka sameeyaan xaalad aan macquul ahayn.”

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in hawlgalada joogtada ah ee Ciidamada Israel ay carqaladeeyeen kaalmadii bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka reer Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa Militariga Israel ku eedeysay in ay sii wadaan xanibaadda ay ku hayaan waddooyinka magaalada, taasina ay adkeysay in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inaanay Maamulka Falastiiniyiinta ku wareejin doonin Marinka Gaza, kolka ay dagaalka kaga adkaadaan Ururka Xamaas.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobey ayaa taageeray in Maamulka Falastiiniyiinta ee ka arrimiya Daanta Galbeed uu maamulo Marinka Gaza, marka Tel Aviv ay soo geba-gabeyso hawgalkeeda Gaza.

Netanyahu ayaa hadda sheegaya in Israel ay qanadarineyso taageerada Mareykanka ee Tel Aviv, burburinta Xamaas iyo in la soo sii daayo la haysteyaasha, haddana waxa uu muujiyay sida ay ugu kala aragti duwan yihiin mustaqbalka cidda maamuleysa Gaza.

Netanyahu ayaa horaantii bishii November sheegay in ay dib u qabsan doonaan Marinka Gaza, isla-markaana uu maamulkiisu maamuli doono amniga guud ee Gaza, illaa waqti aan la garanayn, hadalkaas oo ay ka horyimaadeen xulafada Israel.

Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007, ka dib doorasho daahfuran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc