Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Galhareeri oo kacsan

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Galhareeri oo kacsan

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Galhareeri ee Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan leh ay maanta ka taagan tahay degmadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib duqayntii xooganeyd ee shalay ka dhacday degmadaasi iyo guuxa diyaaradaha dagaalka oo laga maqlayo Galhareeri & deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Weerarka dhinaca cirka ee gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay degmadaasi ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dhowr qof oo carruur u badan.

Hase yeeshee warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka oo duqayntaasi looga hadlay ayaa lagu sheegay “Ciidanka Qaranka ayaa hawlgal militiri oo jab loogu gaystay Khawaarijta ka fuliyay gudaha Degmada Galhareeri oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug. Hawlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen.

Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay garaashka. Goobta labaad waxa ay ahayd bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd, waana la gubay. Goobta saddexaad waxa ay ahayd xarun Khawaarijtu ay ku tababari jireen maleeshiyaadkooda. Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan. Hawlgalkani wuxuu qayb ka ahaa hawlgallo isdaba joog ah oo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta kuna beegsanayaan saadka iyo isku socodka Khawaarijta. Dowladda Somaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo fekerkooda.”

Dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba in waxyeelo ka soo gaarto hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro degmadaasi, haddii maleeshiyadaasi ay dagaalamaan.

Wararka ayaa sheegaya in hooyooyinka, carruurta iyo dadka da’da ah ay bilaabeen in ay isaga baxaan magaalada, oo muddo 15 sano sano ah ay Shabaabka ka arriminayeen.

Galhareeri ayaa ah goobta labaad ee ay diiradda saarayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka, marka laga soo taggo Magaalada Ceelbuur, waana tan baqdinta ku hayso reer Galhareeri.

Hawlgalka ugu weyn ee haatan la filayo in laga sameeyo Gobolada Dhexe ayaa noqon doono kan lagu xoreynayo Ceelbuur, oo Shabaabku ku leeyihiin salhigooda ugu weyn ee bartamaha dalka.

Wixii Sabtida loo gaaro ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu Gobolada Dhexe uga bilowdo wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc