Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay xaaladda murugsan ee ka jirta Gaza iyo tirada dhimashada oo korortay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda murugsan ee ka jirta Gaza iyo tirada dhimashada oo korortay

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa sii wada duqaymaha baahsan ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, taas oo waxyeelo xoog leh ay ka soo gaareyso dadka rayidka.

Ciidamada Israel ayaa xalay sii waday bartilmaameedyada ay ka gaysanayaan magaalada, waana xilli aan la garanayn goobo gaar ah oo Xoogaga Xamaas ay kaga sugan yihiin magaaladaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa Khamiistan baahiyay muuqaal muujinaya ciidamadooda oo wata tiro taangiyo ah iyo cagaf-cagafyo oo gudaha u gelaya xuduudda Gaza. Hawlgalkan ayaa lagu sheegay mid kooban oo dhinaca dhulka ah.

Taangiyada Ciidamada Israel ayaa la arkayay iyagoo ku sugan aagga xuduudda bacaadka ah, isla-markaana gantaalo ku garaacaya magaalada.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashada rayidka ay gaartay 6,546 qof, oo ay ku jiraan 2,704 carruur ah.

Sidoo kale waxay sheegeen in tirada dadka dhaawacmay ay sii caga-cageynayso 17,439 qof.

Dhanka kale waxaa aad looga deyrinayan xaaladda goobaha caafimaad ee Gaza, ka dib markii ay si weyn u saameeyeen duqaymaha Israel iyo koronto la’aan soo food-saartay.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegtay in xarumaheeda Gaza ay buux-dhaafiyeen in ka badan 600,000 oo qof, kuwaa oo sida ay sheegtay gabaad ka dhiganaya, ka dib markii la burburiyay guryahooda.

Hay’adda ayaa ka digtay in ay shaqada joojin doonaan, haddii aan si degdeg ah isbitaalada lagu soo gaarsiin shidaal ay ku sii shaqeeyaan.

Israel ayaa diiday in gargaarka yar ee la gaarsiinayo Marinka Gaza uu qayb ka noqdo shidaalka sida weyn loogu baahan yahay, iyadoona kol sii horreysay magaalada ka jartay adeegyadii biyaha iyo korontada, tani oo sii adkeysay xaaladda nololeed ee Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku hanjabay inaanay joojin doonin weeraradooda Gaza, illaa iyo inta ay ka ciribtirayaan Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc