Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa baahsan ee ka socdo Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa baahsan ee ka socdo Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, oo Ururka Xamaas uu ka arrimiyo, iyadoona ay sii kordheyso waxyeelada dadka rayidka ahi ka soo gaareysa duqaymahaasi.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si aan kala sooc lahayn bartilmaameedyada uga gaysanayaan magaalada, taas oo natiijadeeda ay noqotay inuu kordho khasaaraha rayidka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Cirka Israel ay saakay Gaza ka gaysteen mid ka mid ah duqaymihii ugu darnaa, tan iyo intii ay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay labada dhinac.

Shaqaalaha samatabixinta iyo kuwa caafimaadka ayaa ku waramaya in ay jiraan dad fara-badan oo nool oo ku hoos jira burburka dhismayaasha, isla-markaana ay aad u yar tahay rajada laga qabo in dadkaasi la soo samatabixiyo.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ay jiraan xaafado dhan oo dhulka lala simay, isla-markaana uu aad u hooseeyo dadaalada naf badbaadinta ee socda.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay kor u dhaaftay 1,200 oo qof, halka ku dhawaad 5,600 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha Israel.

Israel waxay dhankeeda sheegtay in tirada dhimashada Israeliyiinta ay hadda gaartay 1,300 oo qof iyo dhaawaca in ka badan 3,300 oo kale.

Weerarada sii kordhaya ee Israel iyo go’doominta daran ee magaalada wajaheyso ayaa xaalad quus ah ku keenay dadka aan dibadda uga bixi karin magaaladaasi.

Dhakhaatiirta ka hawlgasha xarumaha caafimaadka ee magaalada ayaa sheegaya in ay kala bateen tirada dhaawacyada iyo sariiraha isbitaalada yaala.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda murugsan ee Gaza, iyagoona sheegay in goobaha caafimaadka ay qarka u saaran yihiin in ay meydad isu bedelaan, waana xilli ay sheegeen in ay ka jirto koronto la’aan, dawooyinkana ay gabaabsi ka sii yihiin.

Go’doomintan ayaa la sheegay in ay magaalada u horseeday goob aanay cidina ka warami karin amaba qiyaasi karin xaaladdeeda.

Dadka reer Gaza waxay sheegayaan in ay wajahayaan masiibadii ugu weyneyd ee ebid soo marta Marinka Gaza.

Indhaha bulshada dunida ayaa ku sii jeeda dembiyada dagaal ee ka socda Gaza, taas oo aanay jirin cid kula xisaabtami karta Maamulka Israel, oo garab iyo gaashaanba kaga haysta Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc