Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa dadka rayidka ee Israel ka waddo Gaza

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa dadka rayidka ee Israel ka waddo Gaza

by Laacib

Wararka ka imaanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in Militariga Israel ay maanta xoojiyeen duqaymaha ay ka gaysanayaan labada daamood ee Gaza, iyadoo shaqaalaha caafimaadka ay sheegeen in goobo hor leh la beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay duqaymo culus ka gaysteen dhowr xaafadood oo la degan yahay, isla-markaana ay jiraan dad rayid ah oo ku dhintay.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo Ciidamada Israel ay ku qaadeen guri la degan yahay oo ku yaala xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Wasaaradda ayaa sheegtay in in ka badan 400 oo qof ay ku dhinteen duqaymaha Israel, 48 saac gudahood.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in khasaaraha rayidka uu aad uga badan karo inta hadda la ogyahay, bacdamaa ay jiraan dhismayaal badan oo la burburiyay.

Muuqaal galabta lagu baahiyay shabakadda Instagram-ka ayaa muujinaya koox rag ah oo meydad ka soo saaraya xaafadda Barbakh ee bartamaha Khan Younis, xilli ay garaaceen Ciidamada Israel. Meydadka halkaasi laga soo saaray qayb ka ahan tirada ay wasaaraddu shaacisay.

Duqaymaha ay Israel kordhisay ayaa imaanaya, xilli goor dambe oo xalay ahayd ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey meelmariyeen qaraar dalbanaya in si degdeg ah oo ammaan ah, oo aan la carqaladeyn gargaarka naf badbaadinta ah lagu gaarsiiyo Marinka Gaza.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, marka laga reebo Mareykanka iyo Ruushka oo ka aamusay ayaa isku raacay in la furo waddooyinka dhulka go’doonsan, si gargaar macno leh loo gaarsiiyo.

Dowladda Ruushka ayaa sababta ay meelmarinta qaraarkan uga aamustay ku sheegtay in Moscow ay dooneysay in la xoojiyo luqadda qaraarka qaybyada ah, si Israel loogu cadaadiyo in ay joojiso duulaankeeda Gaza.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-GreenField ayaa sheegtay in baaqa Golaha Ammaanka, ee ah in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bani’aadantinimo lagu gaynayo Gaza uu ogolanayo marin ammaan ah, iyadoo aan la carqaladeynin gargaarka iyo in la abuuro jewi lagu gaari karo heshiis xabad joojin ah oo waara.

Hase yeeshee Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa mar kale sheegaya in duqaymaha joogtada ah ee Israel ay carqaladeynayaan kaalmada bani’aadantinimo, ee ay tahay in la gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay xabad joojin, isagoo ku dooday in gargaarka aan si ku filan loo gaarsiin karin magaalada, inta ay duqaymuhu socdaan.

Xoghayaha ayaa caddeeyay in weerarada Israel ay wiiqayaan qaybinta gargaarka, isla-markaana aan laga maarmi karin xabad joojinta.

“Sida ay Israel u qaadeyso weerarkan, waxay abuureysaa caqabado waaweyn oo ku wajahan qaybinta gargaarka.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa ku andaconaya inaanan gargaar dhameystiran la gaarsiin karin Gaza, inta ay Israel sii waddo weeraradeeda arxandarada ah.

Duqaymaha Israel ee ka baxsan xeerarka dagaalka iyo kan bani’aadantinimada ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20,000 oo qof, oo u badan dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc